9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2016
Xiisad ka dhalatay doorashada aqalka hoose oo ka taagan Baydhabo

 

Khamiis, Diseembar 01, 2016 (HOL)-Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay doorashda aqalka hoose ay ka taagan tahay halkaa.


Xiisadaa ayaa magaaladaa ka taagneyd mudadii 24ka saac ahayd ee lasoo dhaafay. Aadan Saransoor oo ah siyaasi caan ah ayaa ka mid ah dadka tirsanaya in caddaalad darro lagu sameeyey.

 

"Waxay ahayd in la ii sheego oo la iyiraahdo waqti hebel saacad hebel ayay doorashadu dhacaysaa. Wax laii sheegay maleh. Hade doorasho uma arkin; waa arin la yaab leh'. Sidaa ayuu yiri mudane Aadan Saransoor.


Wuxuu Aadan Saransoor sheegay in un magaalada laga maqlayay in doorasho socoto ee aan asaga kasoo qeyb gal cidna oran walow uu yahay murashax waliba xildhibaan ka ah baarlamaanka haatan waqtigiisa uu dhammaaday ee sugaya inuu u banneeyo meesha baarlamaanka cusub.

 

Wuxuu intaa ku daray Aadan Saransoor in guddiga xallinta khilaafaatka uu qoraal cabasho ah u gudbiyo uu go'aansaday.


Dhan kale xalay labo nin oo ay qaraabo yihiin madaxweynaha dawlad goboleedka Koofur-galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa waxaa afduubtay maleeshiyaad walow odayaal waanwaan la galay maleeshiyaadka markii dambe ay kasoo daayeen.


Meelo badan oo dalka ah ayaa waxaa aad uga taagan eedo la xiriira wax isdaba marin lasoo tebinaayo in lagu hayo doorashada socota ee aqalka hoose.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]