4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2016
Guddida doorashooyinka Somaliland oo sheegay in qalabkii kaadhadhka diiwaangelinta lagu daabacayey la keenay

Khamiis, Diseembar 01, 2016 (HOL)-Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in qalabkii lagu daabacayey kaadhadhka diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland uu soo gaadhay dalka, isla markaana shaqaalihii ku shaqayn lahaa loo tobabari doono.

Guddida doorashooyinka, masuuliyiin ka socda saddexda xisbi qaran, shaqaalihii loo tobobarayey qalabkan ayaa maanta shirjaraa’id ku qabteen xarunta dhexe ee guddida doorashooyinka, waxaanay sheegeen inay ku tallo jiraan inay daabacaddan kaadhadhkii doorashooyinka lagu gallayey.

 “maanta hortiina waxa yaalla qayb ka mid ah qalabkii lagu daabacayey kaadhadhkii codeynta, kuwaas oo lagu tobabari doonno shaqaalaha hortiina joogaa,  marka qalabkaasi  soo dhamaystirmo ee shaqaaluhu tobabarka qaataan waxa bilaabaya daabacaddii Kaadhadhka”ayuu yidhi gudoomiiyaha guddida doorashooyinka iimaan.

Waxaanu intaas ku daray “ komsihanka doorashooyinkuna bari iyio galbeed ayey u kala bixi doonaan, waxaana jaamacadaha laga soo qorayaa ardaydii qaybin lahayd”.

Mar gudoomiyaha wax laga waydiiyey maadaama oo abaari jirto inay doorashaddu wakhtigii loogu tallogalay dhacayso iyo inkale, waxaanu yidhi “waxa na loo igmaday in doorasho xalaal ahi dalka ka dhacdo, doorashada xorta iyo xalaasha ahi waxay ka imanaysa diiwaangelin xor oo xalaal ah inay dalka ka dhacdo, waxaad markhaati nooga tihiin in diiwaangelin wanaagsani inoo dhacday, oo aan la lahayn reer hebel ayaa loo badiyey iyo kuwo kale loo badiyey toona aanay jirin, intii aanu ka ilaalin lahayn inay wax xanaf lihi dhacdo waanu ka ilaalinay, xisbiyada iyo shacabkuba markhaati bay nooga yihiin.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi  ka hadlay saddexda xisbi oo sheegay inay soo dhoweynayaan qalabkan lagu daabacayo kaadhadhka oo markii hore dhinnaa, waxaanay sheegeen inay hawshaasi ku taageerayaan Guddida doorashooyinka.

Guddida doorashooyinka ayaa hore dadka u diiwaangeliyey dadweynaha, haseyeeshee waxa hadhsanaa kaadhadhkii doorashadda lagu galayey oo kharashkiisa iyo soo iibintiisaba laga sugayey beesha caalamka ee taageera doorashooyinka.

Qalabkan  wadanka yimid ayaa  ahaa mid si weyn loo wada sugayey, isla markaana waxaa bilaabmi doonna qaybta kaadhadhkii dadku ku codaynayeen oo aan hore loo hayn.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.