4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Markab si sharci darro ah uga Kaluumaysanayay xeebaha Somalia oo lagu Ganaxaay lacag dhan 65,000 oo Dollar

/images/2016/Dec/

Khamiis, December, 01, 2016 (HOL) -Markabkan oo ka diiwaan-gashan Banama laguna magacaabo Greko1 ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 65,000 oo dollar ,waxaana la qabtay xilli uu kuluumaysi sharci darro ah ka samaynayay xeebaha Somalia sida lagu sheegay war-ka soo baxay dowladda Maraykanka.

Greko1 oo la xiray bishii Octobar ayaa lagu dhex-arkay kuluuan dhan 30 tan oo la qaboojiyay ,kuwaasi oo si sharci darro uu uga gurtay xeebaha Somalia ,waxaana xiray wasaarad-da Kuluuumaysiga iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Somalia.
/images/2016/Dec/

Baarayaasha Markabkan ayaa ogaaday in uu haystay sharciyo been abuur ah oo uu uga kuluumaysanayay xeebaha Somalia iyo in uu isticmaalayay qalabka jariifka gaar ahaan kuwaada laga mamnuucay badaha Somalia.

Markabkan oo hadda ku xiran deked-da Magaalada Mombasa  ayaa soo qabashadiisa waxaa iska kaashaday dhinacyada Somalia iyo Kenya ,waxaana la sheegay in lacagta ganaaxa ah lagu wareejiyay dowladda Somalia.

Safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Somalia Stephen Schwartz ayaa amaanay kaalinta ay labada dowladood ka ciyaareen soo qabashada Markabkan oo la filayo in kaluun badan uu si aan sharci ahayn uga gurtay xeebaha Somalia oo ka soo kabanaysa colaado sokeeye.

“Dowladda Maraykanka waxa ay bogaadinaysa dadaalka ay wasaarad-da kaluumaysiga ku doonayso in lagu dhimo kaluumaysiga sharci darada ah , waxaana soo qabashadana Greko1 ay ka dhigan-tahay in Somalia ay ka go’antahay ilaalinta khayraadkeeda “ ayuu safiirka ku yiri war uu soo saaray.

“Iskaashiga dhex-maray labada dowladood waxa uu muujinayaa sida ay laga maarmaan u tahay in lala dagaalamo kaluumaysig sharci darad ah ,waxaan si gaar ah u amaanaynaa dadaaladii uu sameeyay wasiirka ku xigeenka kaluumaysiga Somalia ,kaasi oo hubiyay sida wanaagsan ee loo maareeyay kiiskan,” ayuu mar kale yiri Schwartz.
/images/2016/Dec/

Ugu danbayn ,Somalia ayaa xarun u ahayd kaluumaysiga sharci darada ah tan iyo markii ay bur-burtay dowlad-dii dhexe ee Somalia ,waxaana la sheegay in kaluumaysiga Sharci darada ah uu horseed u yahay amni darada iyo afduubka Maraakiibta shisheeye.

Faysal M. Hassan
[email protected]