4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2016
Dawlada Mareykanka oo maxkamad lala tiigsan doono kadib markii si sharci darro ah ay ku xirtay nin Soomaali ah

Khamiis, Diseembar 01, 2016 (HOL)-Xarun ka shaqeysa xaquuqda dastuuriga ah ayaa sheegtay inay dawlada Mareykanka ay maxkamad la tiigsan doonto kadib markii si sharci darro ah ay ku xirtay nin Soomaali ah.

Ninkaas ayaa waxaa lagu magacaabaa Guuleed Xasan Duraan. Dawlada Mareykanka ayaa muddo toban sano ah jeelka Guantanamo Bay ku heysay Guuleed Xasan Duraan walina waa uu kujiraa halkaa.

Guuleed Xasan Duraan ayaa mudadaa dheer ee uu halkaa ku xirnaa aanan la soo taagin maxkamad sharci ah.

Xaruntaa ayaa waxaa lagu magacaabaa Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah. Waxay kutaalaa New York. Shalay ayay xaruntaasi gudbisay dacwad ka dhan ah in Guuleed lagu sii hayo xabsigaasi Guantanamo Bay.

Guuleed ayaa haataan 43 sano jir ah waana qofka kaliya ee Soomaaliga ah ee ku xiran xabsigaasi Guantanamo Bay.

Sanadkii 2004 ayaa Guuleed waxaa laga qabtay Jabuuti. Xarunta ayaa sheegeysa in aan lagu helin wax caddeyn ah oo muujinaysa in ninkaasi wax lug ah ku leeyahay argagaxisonimo.

Jannaayo 2010, ayaa laanta dawladda Mareykanka u qaabilsan xabsiga Guantanamo ay u garatay Guuleed in lasii deyn karo.

Si kastaba ha ahaatee waqti go'an looma qaban marka lasii deynayo Guuleed.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]