4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Wakiilka midowga Africa iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar


Khamiis, December, 01, 2016 (HOL) - Danjiraha midowga Africa Francisco Madeira oo maanta booqasho ku tegey magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle, ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Labada mas'uul ayaa ka wadda hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen ammaanka,horumarinta iyo iyo doorashooyinka aqalka hoose ee ka soconaya magaalada Jowhar.

Wakiilka midowga Africa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu soo gaarsiiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle  qoraal uu ka siday madaxda AMISOM kaasoo loogu hambalyeynayo qaabka ay u socdaan doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa qaabka ay u socoto doorashada Aqalka Hoose gaar ahaan in 11 kursi oo ay lahaayeen dumarka 9 kamid ah la buuxiyay,waxaan ka rajeyneynaa in doorashada ay ku soo dhamaato wanaag.”ayuu yiri Madeira.

Francisco Madeira, ayaa sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in dowlad goboleedka Hirshabeele aan ka taageerno sidii loo horumarin lahaa ammaanka iyo weliba sidii dayactir loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaale sida wadooyinka si ay beeralayda si sahlan ugu geysan lahayd suuqyada wax soo saarkooda.

Dhinaca kale, C/qaadir C/dulle Xooshoow oo ah agaasimaha madaxtooyada Hirshabeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay AMISOM ay bilaabi doonto dhismaha qaar ka mid ah wadooyinka Hirshabelle iyo weliba horumarinta beeraha.

“Waxaa ay AMISOM ballanqaaday in ay gacan ka geysanayso dayactirka 87 km oo ka mid ah wadooyinka Hirshabeelle isla markaana gacan weyn ka geysato sidii looga saari lahaa Alshababa deegaanada ay weli maamulaan ee Hirshabeele”ayuu yiri Ambassador Xooshoow.

Ugu danbeyntii safarka wakiilka midowga Africa ayaa imanaya xili ay gabagabo ku dhawdahay doorashada xubnaha aqalka hoose ee ku matalaya maamulka Hirshabeelle baarlamaanka cusub ee federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya