4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Akhriso guud ahaan magacyada xildhibaannada maanta ku soo baxay doorashadii ka dhacday Jowhar


Khamiis, December, 01, 2016 (HOL) -- Magaalada Jowhar ayaa maanta lagu tartamay ilaa shan kursi oo aqal hoose ah, waxaana kuraastan qaarkood ku soo baxay haween, taasoo qeyb ka ah marka la eego qoontada haweenka ee 30%   baarlamaanka  cusub.

Xildhibaannada maanta  ku guuleystay doorashada ka dhacday Jowhar ayaa kala ahaa :-

1.Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.
2.Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.
3.Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.
4.Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.
5.iyo Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee magaalada Jowhar ayaa hadda u muqata mid heer gabo gabo ah ku dhaw, waxaana la filayaa in kuraasta dhiman la soo dhameystiro labada cisho ee nagu soo foolka leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya