4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
C/llaahi Goodax oo ku guuleystay xubinnimada aqalka hoose iyo ciidammo isku dayay in ay doorashada joojiyaan

Khamiis, December, 01, 2016 (HOL) - Wasiirkii hore ee wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa ku guulesytay xubinnimada aqalka hoose kaddib doorasho dhawaan ku soo dhamaatay magaalada Jowhar.

Doorashada oo labo wareeg loo baahday ayaa wareegii hore waxaa ku tartamay C/llaahi Goodax Barre, Bille Iidle, Mukhtaar Xusseen Afrax iyo Max'ed C/llaahi Garguurte.

Wareegii hore hore ayeey musharixiintu codadka u kala helleen C/llaahi Goodax Barre ayaa hellay 22 cod, Bille Iidle 19 cod,  Max'ed C/llaahi Garguurte 10,  halka Mukhtaar Xusseen Afrax uusan helin wax codad ah.

Wareegii labaad ayaa waxaa doorashada isugu soo harray C/llaahi Goodax Barre iyo Bille Iidle, waxaana ugu danbeyntii natiijada doorashada ku dhawaaqay guddiga oo sheegay in C/llaahi Goodax Barre uu hellay 32 cod, halka musharixii kale ee la tartamayay uu hellay 18 cod oo kaliya.

Wareegii hore ee doorashada ayaa waxaa xarunta tagay ciidammo sidda la sheegay ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya, kuwaa oo isku dayay in ay joojiyaan doorashada, hasse ahaatee waxaa is hortaag ku sameeyay arintaa guddiga doorashada oo ku wargaliyay ciidammada in ay isaga baxaan xarunta.

Dad ku suganaa goobta ay doorashadu ka dhacday ayaa HOL u xaqiijiyay in mid ka mid ah ciidammada halkaa tagay isku dayay in uu ka saaro xarunta C/llaahi Goodax  Barre oo arintaa ka biyo diiday, ugu danbeyntiina waxaa ay guddiga go'aan ku gaareen in doorashada halkeeda ka sii socto.

Kursigan maanta lagu doortay magaalada Jowhar ayaa marar badan oo hore dib loo dhigay, kaddib khilaaf ka dhashay faragalin siyaasadeed oo lagu hayay habka iyo sidda doorashada loo qabanayo.

Ugu danbeyntii, markii ay soo baxday natiijada doorashada C/llaahi Goodax Barre ayaa laga maqlay ilinka hor ee xarunta doorashada iyo qeybo ka mid ah Jowhar rasaas loogu dabaal-dagayay guusha uu ka gaaray doorashada, halka siddoo kale magaalada Beledweyne la maqlayo rasaas loogu dabaal-dagayo natiijada ka soo baxday doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya