4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2016
Ururka Suxufiyiinta SECJA oo Cambaareeyey Gacan-ka-hadal lagula kacay Jaamac Jiir (SAWIRRO)


Khamiis, December 01, 2016 (HOL) — Jaamac Cilmi JIIR oo ka mid ah Dadka inta badan ku xiran warbaahinta oo wax ka qora hadba Xaaladda Taagan, ayaa shalay u geysteen koox dhallinyaro ah weerar isugu Jira garaacis iyo nabaro.

Jaamac Jiir ayaa sheegay in kooxdaasi soo weerartay difaacayeen Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu dhawaan dhaliilo usoo jeediyey taasina ay keentay inay nabaro u geysteen.

“Abaaro kow iyo tobankii  ayaa weerar la igu soo qaaday uu ka dambeeyo hogaamiyaha xisbiga WADANI Xirsi ka dibna kooxdii baa dagaal igu soo qaaday waan iska difaacay, ka dibna koox waddani taageersan oo illaa toban qof ah oo cadho ii qabay oo leh sidee WADDANI wax uga sheegayaa ayaa dhaawacyo ii gaystay, iligaasi wuu iga dhacay, gacantaasi waa dhaawac, waxaanay igu haystaan maxaad wax uga qortay Xirsi iyo WADDANI oo dhaliilo usoo jeediyey, waxaana leeyahay idinka hadhi maayo, mabda’ayga siyaasadeed waan sii wadayaa”ayuu yidhi Jiir oo ka hadlayey dhibaatadda soo gaadhay.

Sidoo kale, waxa falkaasi cambaareeyey Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SECJA, waxaaanu qoraal ka soo saareen ku dhaliileen qaabka foosha xun ee weerarka loogu qaaday aqoonyahan Jaamac Jiir oo ah nin mar walba aragtidiisa soo bandhiga.

Ururka SECJA oo arrintaasi cambaaraynaya waxa uu yidhi “ waxaa uu canbaaraynayaa Weerarka bahalnimada ah ee Lagu Dhaawacay Aqoonyahan Jaamac Cilmi Siciid(Jiir) Oo Ah Muwaadin Madax Banaan oo Fikirkiisa Ka dhiibta Siyaasada Somaliland

Jaamac jiir Ayaa Siduu Sheegay Waxaa Weerarkiisa uu Dusha Ka Saaray Xisbiga Wadani gaar Ahaana Hogaamiyaha Xisbigaasi Xirsi cali Xaaji Xasan oo uu ku Sheegay Inuu Usoo Adeegsaday Koox Weriyayaal Ah iyo Dablay kale

Jaamac Cilmi Jiir Waxaa Nabaro iyo Dhaawac Laga Gaadhsiiyay Wejiga iyo Gacan Isagoo Laga Saaray Cusbitaalka Guud ee Hargaysa oo lagu dabiibayay kadib Markii Weerarku Dhacay oo ku Beegnayd 11 Duhurnimo Isagoo ku Sugan Hotelka Xaraf ee Magaalada Hargaysa

Cabudhinta,Hanjabaada iyo Dhaawaca Loo gaysto Saxafiyiinta iyo Dadka fikirkooda Dhiibta Ayaa Mudooyinkanba kusoo badanayay Somaliland Waxaana Aanu Ugu Baaqaynaa Hadaanu Nahay Ururka Saxafiyiinta Secja Inay Siyaasiyiintu Ka Waantoobaan Falalka Noocaasi Ah”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland