4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Doorashada xubnaha aqalka hoose oo dib uga bilaabatay magaalada Jowhar


Khamiis, December, 01, 2016 (HOL) -  Waxaa goor dhaw ka bilaabatay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle doorashada xubnaha aqalka hoose, kaddib khilaaf soo kala dhaxgalay maamulka iyo gudddiga doorashada.

Doorashada xiligan socta ayaa waxaa ku tartamaya musharixiin uu ka mid yahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre, waxaana hadda codeynaya ergada kala saareysa musharixiinta.

Kursiga lagu tartamayo ayaa marar badan oo hore dib loo dhigay kaddib khilaaf dhinacyo badan ka imanayay hasse ahaatee guddiga doorashada ayaa go'aan ku gaaray in maanta la qabto doorashada kursigan oo ka mid ah kuraasta ugu xiisa badan ee siweyn isha loogu wadda hayo natiijada ka soo bixi doonta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya