4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo ku dhaawacmay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen gadiid uu la socday


Khamiis, December,  01, 2016 (HOL) - Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Max'ed C/dulle Fiidoow ayaa ku dhaawacmay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen gadiid uu la socday oo ka soo anbabaxay degmada Jowhar.

Weerarka ayaa siddoo kale waxaa ku dhintay mid ka mida mid ilaaladii guddoomiyaha, kaddib iska horimaad dhaxmaray ciidamadii la socday iyo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo ka yimid degmada Jowhar ayaa ku sii jeeday degmada Jalalaqsi, waxaana weerarka uu ka dhacay deegaanno u dhaxeeya labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ugu danbeyntii, xarrakada Al-shabaab ayaa inta badan weerar ka geysata deegaanno ka tirsan labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe oo qeybo ka mid ah ay wali maamulaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya