4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2016
Shacabka dalka Gambia oo u Dareeraya Maanta Doorasho si ay u soo Doortaan Madaxweyne


Khamiis, December 01, 2016 (HOL) — Cod-bixiyayaasha Waddanka Gambia ayaa maanta la filayaa inay u dareeraan Goobaha Cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan Doorashada Madaxtinimada cusub ee Dalkaas.

Madaxweynaha dalka Gambia, Yaxya Jammeh oo awoodda dalkaas hayay tan iyo sanadkii 1994-kii ayaa wuxuu wajahayaa sanadkan mucaarad aad u mooddo inay mideysan yihiin.

Toddobada xisbi oo Mucaaradka ah eek a jira waddanka Gambia ayaa waxay isugu geeyeen awooddooda hal musharax oo keliya kaasoo lagu magacaabo, Adama Barrow, waxaana lgu tilmaamaa inuu yahay mid aan aqoon badan loo lahayn, iyadoo shaashadaha dalkaas lagu arkayay lixdii bilood ee ug dambeeyay.

Sidoo kale, Inkastoo uusan firfircoonayn siyaasad ahaan haddana Mr. Barrow wuxuu u muuqdaa inuu noqday ninka sida weyn ula tartamaya Madaxweyne Yaxya Jammeh.

Madaxweyne Jammeh ayaa Laf-ahaantiisa qabin wax walwal ah xilli mudddo bilooyin ah ay dadka naqdiya ku eedaynayaan in si walba uu madaxweynuhu ugu dhaw yahay guul.

Ugu dambeyn, Mucaaradka waddanka Gambia ayaa Maalmihii ugu dambeeyay si weyn u ololeynayay doorashada maanta dhacaysa, laakiin waxaa weli xabsiga ku jira siyaasiyiin sare oo mucaarad ah oo la xiray kaddib markii ay bishii Abriil isugu soo baxeen waddooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya