4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2016
Caasha Xaaji Cilmi oo ku eedeysay C/Kariim Xuseen Guuleed wax isdaba marin la xiriirta doorashada

Khamiis, Diseembar 01, 2016 (HOL)-Shalay ayaa waxaa magaalada Cadaado ka dhacday doorashada baarlamaaniga ah ee qoondada Galmudug-baarlamaanka Soomaaliya kuraasta loo tartamayo ee aqalka hoose.

Ayadoo la hadlaysay warbaahinta ayay ku eedeysay madaxweynaha Galmudug inuu ka lug yeeshay horjoogsiga sidii ay kursigeeda ku heli lahayd.

Waxay sheegtay in 3 kursi beesheeda loo qoondeeyay ayna qasab ahayd in qoondada dumarka darteed ay qof dumar ahi hesho hal kursi ugu yaraan kaasoo 3daa kursi ka mid ah. Laakiin waxay sheegtay in haatan sidaasi aysan dhicin.

Kursigaa cidii u tartami lahayd ayaa in dhawaaleba muran uu ka taagnaa. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in lagu eedeeyay in muddo dheer ay ayadu soo ahayd xil dhibaan sidaa darteedna aysan mudnayn inay mar kale hesho kursigaa.

Si kastaba ha ahaatee gaashaanka ayay arinkaa u daruurtay ayadoo sheegtay inaysan taasi ahayn cudur daar munaasab ah.

"C/Kariim wuxuu sheegay inaan kursiga ku fadhiyay 16 sano; dambi maahan.. Midda kale baarlamaanka Soomaaliya dadka hada lasoo doortay iyo kuwa lasoo dooran doono oo jidka kusoo jira dad badan oo 16 sano ku fadhiyay baa kujira'. Sidaa ayay tiri  Caasha Xaaji Cilmi.

'Qofkii ummada macno u leh oo waxtaraya 16 sano iyo 18 sano iyo 40 sano wuu ku fadhinayaa waayo maba ahan shardi qofka la leeyahay qofkii intaas ku fadhiyay kursiga uma soo tartami karo".

"Madaxweynaha Galmudug asagaa noqday saxiixihii iyo ugaaskii jifada anigu aan ka tirsanahay. Waa wax lala yaaban yahay; ugaasku in badan dacwooyina waa gudbiyay in badan buuna shirar jaraaid qabtay oo uu ka cabtay in aad u tiro badan". Sidaa ayay tiri  Caasha Xaaji Cilmi.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iyana in badan lagu eedeeyay inay ku lug yeelatay wax isdaba marin doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Hase ahaatee Caasha Xaaji Cilmi mar la weydiiyay in ay iyana ku tuhmeyso in dawlada federaalka ahi wax u dhintay waxay sheegtay inaysan sheegi karin in dawlada federaalka ah ay kursiga ka hor joogsiga laga horjoogsaday ay ku lug leedahay.

'Mida aan taabtay oon sheegi karo waxaa weeye maamulka Galmudug iyo guddiga doorashada. Ma ogi dawrka dawlada federaalka ah ay ku leedahay- ma ogi laakiin midka aan ogahay oon xaqiiqsanahay oon sheegahayo oo cid walba u jeedo waa madaxweynaha Galmudug iyo guddiga doorashada".

Waxay sheegtay in ergada kursi leeyahay ee qofi uusan lahayn. 'Waxaa la leeyahay ergadii hebel'. Waxay sheegtay in ergada wax dooraneysa murashaxiin gaar ah lala xiriirinaayo. '51ka ergay waa inay kala doortaan kursigaa qofka u tartamaya'.

Waxay sheegtay in sharci darro ay tahay ergo wada dhan oo hal qof lawada siiyay. Waxay sheegtay in beesheedu noqotay beesha kaliya ee qof dumar ah aan kursi siin isla markaana ayadu ay tahay gabadha sharuudaha beesheeda oo dhan buuxisay balse kursigeedii ay xaqa u lahayd loo diiday.

Aaden Mohamed Warsame
Hiiraan Online
[email protected]