4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Isgaarsiintii degmooyinka Hubyo iyo Xarardheere oo hawada ka maqan iyo xiisad wali halkaa ka taagan



Khamiis, December, 01, 2016 (HOL)  - Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab hawada ka saareen isgaarsiintii degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere, kaddib dagaalo dhawaan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Isgaarsiinta labada degmo ayaa lagu soo waramayaa in tan iyo shalay ay hawada ka maqan tahay, taasoo saameyn weyn ku yeellatay xiriirkii dadweynaha, sidda ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan degmada Cadaado ee gobolka ee Galguduud.

Saraakiisha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegay in ay ka war hayaan arintan, islamarkaana qorsheynayaan in ciidammo loo diro deegaannada ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab oo wali ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka deegaanka iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Ugu danbeyntii, Al-shababa ayaa maamula gacan ku heynta inta badan deegaannada dhaca Koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee hoostaga degmada Xarardheere oo ay dhawaan ku dagaallameen dad xoolo dhaqato ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya