4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2015
Al-shabaab oo Afar Nin ku Toogatay Degmada Bu'aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe
/images/2013/Sep/Al-shabaab_oo_Qaraxyo_Sheegatay.jpg

Jimco, September 04, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa Maanta Gellinkii dambe Xilliga Soomaaliya afar nin ku Toogatay Degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe, nimankaa oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jaajuusiin.

Raggan la Toogtay ayay Al-shabaab Sheegeen inay kasoo Qabteen Deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan, Bay iyo Jubbada Hoose, Waxayna intaa  ku dareen inay si Qarsoodi ah ula shaqeyn jireen Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Goob-jooge ku sugan Degmada Bu'aale oo codsaday inaan magaciisa lasoo xigan sababo dhanka ammaanka ah ayaa HOL u sheegay in afarta nin ee la toogtay lagu soo bandhigay fagaare ku yaal magaalada Bu'aale, halkaasina lagu toogtay.

Al-shabaab ayaa dadweeynihii isugu yimid fagaaraha waxa ay u sheegeen in ragga ay soo bandhigeen ay daba-gal ku hayeen mudo fog, iyagoo xusay inay ku cadaatay in si qarsoodi ah ay ula shaqeyn jireen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay Al-shabaab fuliso xukun kan la mid ah, hase ahaatee waxaa jiray marar badan oo sidan oo kale ay xukunno isugu jira dilal iyo gowrac waxay ku fuliyeen rag ku eedeysnaa falal jaajuusnimo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya