4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2015
AFRAX: Shirka Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shab. Dhexe Beledweyne ayaa lagu Qabanayaa


Jimco, September 04, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa mar kale ku celiyay in Magaalada Beledweyne lagu Qabanayo Shirka dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Isagoo Warbaahinta kula Hadlayay Magaalada Beledweyne, ayuu sheegay inay u Diyaar-garoobeen marti-galinta shirka islamarkaana xaq u leeyihiin.

“Horayna waan u sheegay haddana waan ku celinayaa magaaladan Beledweyne ayaa lagu qabanayaa shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaa u diyaar-garoowga arrintaa nooga baxday lacag malaayiin Doollar,” ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya dhawaan xariga ka jiri doonno dhisme casri ah oo laga hirgaliyay magaalada kaa oo loogu tala-galay in lagu qabto shirweynaha.

Siyaasiyiin iyo bulshada Gobolka Shabeellaha dhexe ayuu ka Rajeeyay in ay Arrintaa ku raacin doonnaan, madaama dhaqaalle xoog leh lagu bixiyay u diyaar-garoowga iyo marti-galinta shirka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Cali Guudlaawe ayaa isna horay ugu sheegay Warbaahinta in Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu yahay mid uu ku Fududaaday, Madaama aan wali wax go'aan ah laga gaarin halka Shirka lagu Qabanayo.

Siyaasiyiinta labada gobol ayaa wali ku kala Aragti-duwan Qodobo dhowr ah oo Asal u ah qabsoomida shirka, waxaana qodobadaa ka mid ah magaalada marti-galin doonta shirka oo wali aan hishiis buuxa laga gaarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya