4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2015
ROMA: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Maanta Dhiggiisa Dalka Talyaaniga (SAWIRRO)


Jimco, September 04, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Talyaaniga ee Magaalada Rome.

Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Talyaaniga uga Warramey Xaaladda Somalia iyo Horumarka laga sameeyay Amniga, Siyaasadda, soo kabashada Dhaqaalaha, kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo fidinta Adeegyada bulshada. Isagoo dhiggiisa uga Mahad-celiyay Taageerada ay dib u dhiska Soomaaliya ka geysanayaan.

“Waxaan kaa codsaneynaa Madaxweyne inaad ku dhiiri-geliso dowladaada iyo shirkadaha Ganacsiga Talyaaniga inay Maal-gashadaan Somalia, si looga faa’iideysto kheyraadka aan leennahay. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad u Saamaxaya inay noqoto Horseedka dhaqaalaha Afrika, waxaana Talyaaniga ku dhiirri-gelinayaa inay ka faa’iideystaan fursadaha jira oo ay ka mid noqdaan dalalka ugu horreeya ee maal-gashanaya Somalia,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dalka Talyaaniga, Sergio Mattarella ayaa isagana u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa in Talyaanigu uu taageerada uu siiyo Somalia sii wadi doono, isla markaana uu soo dhaweynayo codsiga Soomaaliya ee Dhinacyada Maal-gashiga , Iskaashiga Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo Amniga.

Mr Mattarella wuxuu ku bogaadiyay Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ku bixinayo sugidda amniga, siyaasadda, fidinta adeegyada iyo arrimaha bulshada, kuwaasoo uu xusay in ay sii Adkeynayaan Barnaamijyada lagu Xaqiijinayo dib u soo Kabashada Soomaaliya, Dowladda Talyaanigana ay Taageero buuxda la garab-taagan tahay.

Dhanka kale, labada Madaxweyne ayaa ka Hadlay Arrinta Muhaajiriinta ku soo Qulqulaya Qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Talyaaniga, kuwaasoo qaarkood ay yihiin Muwaadiniin u dhashay Soomaaliya.

Madaxweynaha Talyaaniga ayaa soo Dhaweeyay Fikirka uu soo jeediyay Madaxweynaha Somalia oo ahaa in dhalinyarada Soomaalida ee u soo tahriibtay Talyaaniga, isla markaana ku guuldareystay in Rasmi ahaan loo Qaabilo la siiyo Tababbaro Mihnadeed, Dalkana dib loogu soo celiyo, si xirfadaha ay barteen ay ugu adeegsadaan dib u dhiska dalkooda.

Ugu dambeyn, Kulankaas waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada waddan, waxaana uu ku dhammaadey jawi is af-garad leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya