4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2015
Ardayad Soomaaliyeed oo dib ugu soo laabatay Dalka iyadoo doonaysa inay Noqoto Dhakhtarad


Jimco, September 04, 2015 (HOL) — Raxma oo ah ardayad Soomaaliyeed ayaa lix sano ka hor tagtay Kenya iyadoo ka carartay colaadihii dalka ka jiray, xilligaa Raxmo waxay ahayd qof aan waxba qorin waxna akhrin, Laakiise hadda waa 19-sano jir, waxayna dalka ugu soo laabatay sidii ay dhakhtarad u noqon lahayd.

Bishii lasoo dhaafay ayay Raxma dib ugu soo laabatay dalkeeda, iyadoo ka mid ahayd 116-Qof oo Go’aansaday inay kusoo laabtaan Dalkooda Somalia, intii ay nolol Qoxootinimo ah ku noolaan lahaayeen.

Sidoo kale, Raxma go’aankeedu ma ahayn inay Somalia kusoo laabato oo keliya, Laakiin waxaa ka go’an sida ay sheegtay inay sii wadato Waxbarashadeeda illaa ay ka Noqonayso Dhakhtarad.

“Aad ayaan hadda u faraxsanahay, waayo markii aan tagayay xeryaha Dhadhaab ma aqoon Akhrinta iyo Qoraalka,” ayay tiri Raxma oo intaas ku dartay. “Hadda Waan Sameyn karaa xiriir walba oo loo baahdo.” Raxmo hadda waxay qori kartaa oo ay akhrin kartaa luuqadda Ingiriiska, balse Ujeeddadeeda ayay ku sheegtay inay tahay inay sii wadato Waxbarashada illaa heer dhakhtar ay ka gaarayso.

“Waxaan wax badan ka bartay bayolojiga (biology), waayo waxaan doonayaa in aan noqdo Qof caafimaadka yaqaanna,” ayay Hadalkeeda Raacisay, iyadoo intaas ku dartay. “Hadda waxaan akhristaa Buugaag Caafimaad oo Dalka Koonfur Afrika laga iiga keenay. Waxaan doonayaa inaan si aad ah u akhriyo, aana sii wato iskuulkeyga. Waxaan qaban doonaa howl badan, Allena waxaan ka rajeynayaa inuu guusha ii fududeeyo.”

Raxmo waxay sheegtay inay ku talo-jirto inay Waxbarashada Dugsiga Sare ku dhaeysato Muqdisho, kaddibna ay raadsato Waxbarasho Jaamacadeed ah si ay u barato Caafimaadka.

Gabadhan Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegtay inuu billowday safarkeeda Qoxootnimada December 2009-kii oo ay jirtay 13-sano, xilligaasoo Somalia ka socdeen colaado ku qasbay inay dalkeeda ka cararto, ayna tagtay xeryaha Dhadhaab-Kenya ay ku Noolaayeen iyada iyo Qoyskeeda xerada xagar-dheer oo ah midda ugu weyn xeryaha Dhadhaab.

Sidoo kale, Waxay hadalkeeda ku dartay in Murugo badan ay haysay markii ay Tagaysay Dhadhaab-Kenya, balse nolosheeda ay wax iska bedeleen, markii ay billowday inay wax-barato.

Ardayda ay wax isla baranayeen Raxma iyo Waalidkeeda aad ayay u Jecleysteen Dadaalka dheeraad ah ee ay ku doonaysay inay nololsheeda wax kaga bedesho; iyadoo lagu tilmaami jiray inay tahay ruux faham-wanaagsan oo Waxbarashada jecel.

“Qaar ka mid ah ardaydii Xeryaha Qoxootiga ku noolaa waxay heleen deeqo Waxbarasho, iyagoo aaday Dalka Canada,” ayay Raxma u sheegtay UNCHR oo ah hay’ada Qoxootiga Adduunka oo Soomaalidii ay iyadu ku jirtay gacan ka siisay inay dalkooda kusoo laabtaan; iyadoo intaas ku dartay.

Dadka ku nool Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya kala bar waa Carruur, balse 60% ayaa carruurtaas aada iskuullada, iyadoo inta kalena ay haystaan dhibaato dhanka Waxbarashada ah; maadaama aysan waxba baran.

Raxma walaasheed ka yar waxba ma aysan baran, waayo way Guursatay, laakiinse iyadu waxay Door-bidday intii ay guursan lahayd inay Waxbarato, iyadoo ay ku Xushmeeyeen waalidkeed dooqeeda waxbarasho. Waayo waxay rumeysnaayeen in Waxbarashada ay ku guuleysanayso, iyagoo u iibin jiray buugaagta ay wax ku baran jirtay intii Qoxootinimada ay ku jireen.

“Intaan Iskuulka joogo Waxaan inta badan Dhageysan jiray Sharraxaadaha ay inta badan bixiyaan Macallimiinta, Waana taas midda ii sahashay inaan imtixaanaadka ku guuleysto,” ayay mar kale tiri Raxma oo raacisay. “Waalidkey marnaba igama niyad-jabin, waxayna i siin jireen wax walba oo aan waxbarashadeyda ku sii wadan karo.”

Hadalkeeda, Waxay ku dartay in inkastoo ay Waddankeeda dib ugu soo laabatay; Haddana fursado badan oo ay ku Haysatay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya ay waayi doonto hadda.

“Waxa ugu horreeya ee aan waayi doono waa fursadihii aan heli jiray, ma ahan oo keliya waxbarashada iskuulka. Laakiinse waxaan waayayaa inaan barto xirfado ay ka mid yihiin; Tolliinka [Harqaanka], Kambiyuutarka iyo Darawalnimo, balse macno ma lahan Waxaan ka baran doonaa Somalia,” ayay mar kale tiri Raxma.

Ugu dambeyn, Raxma waxay sheegtay in sababta ku dhiirri-gelisay inay Somalia kusoo laabato ay tahay isbedelka amni ee dalka ka jira iyo inay ka jiraan furasdo waxbarasho iyo kuwo shaqo.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali Qoxooti ku ahaa Dhadhaab-Kenya ee Somalia dib ugu soo Laabtay Tan December 2014-kii ayaa Waxay Tiradoodu Gaaraysaa 3,820 Ruux, kuwaasoo dhammaantood ahaa dad go’aansaday inay dalkooda dib ugu laabtaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya