4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2015
Ammaanka Magaalada Ceelbuur oo aad loo Adkeeyay iyo Ma’suuliyiin ku Wajahan Degmadaas

Jimco, September 04, 2015 (HOL) — Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa adkeeyay Ammaanka guud ee Magaalada Ceelbuur Gobalka Galgaduud halkaasoo la sheegay inay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin ka socota Dowladda Somalia iyo Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammo badan la dhigay Waddooyinka Degmadaas iyo sidoo kale deegaanada ku dhow-dhow, si loo sugo Amaanka mas’uuliyiintan la sheegay inay ku wajahan yihiin degmadaas.

Cabdi Xasan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada Somalia ee ku Sugan Degmada Ceelbuur ayaa u sheegay Warbaahinta Muqdisho in Ciidamada is-bahaysanaya la dhigay deegaanno Ceel-buur u jira 20-KM, sidoo kalena la adkeeyay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Degmadaas.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa Xusay in Degmada Ceelbuur ay Mas’uuliyiinta ka kala socota Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG-ka ah ee Galmudug kusoo dhaweyn doonaan, kuwaasoo la sheegay inuu ku jiro Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyn, Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgudud ayaa ka mid ah meelihii ay horay u maamuli jirtay Al-shabaab, laakiin gacantooda ay ka bixiyeen ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Wixii war ah ee kasoo kordha booqashada wafdigan waxaad kula socon doontaan wararka soo socoda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya