4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2015
Hay'adda IRC ee Caawisa Soomaalida Maraykanka oo u dabaal-dagtay 16-Sanno guuradeedii (SAWIRRO)


Jimco, September 04, 2015 (HOL) — Iyadoo ay Soomaali fara badani ku nool yihiin dalka Maraykanka, kuwaasoo Waqtiyo kala duwan soo galay Mareykanka oo ay ku cusbnaayeen ayay laga maarmaan noqotay inay helaan xarun u Adeegta marka la Fiiriyo Sharciyada iyo nidaamka wadanka dadka soo gala iyo sida ay ugu noolaan lahaayeen.

Taasi ayaa suuro-gal ka dhigtay in la furo xarun lagu magacaabo Immigrant Resource Center oo ah xarun dhinaca socdaalada ka kaalmaysa dadkana kala talisa sharciyada, hanoqoto dadka sharciyada ku soo galay, kuwa aanan sharciyada heysan, kuwa baasaboorada raadinaya, iyo wax walba oo nolosha laga maarmaanka u ah.

Hey'addan ayaa u dabaal-dagtay sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay iyadoo dabaal-degga ay ka qayb-galeen dad Soomaaliyeed oo horey loogu caawiyey dhanka Socdaalka hadii ay ahaan lahaayeen kuwo iyaga la keenay Maraykanka, Qoysas dib u midoobay iyo Waalidiin Caruurtooda loo keenay kuwaasi oo amaanay howsha loo qabtay, Mid ka mid ah dadkii ka qeyb galay ayaa sheegay "IRC aniga ayey i keentay dabadeed Xaaskeyga iyo Caruurteyda ayey keentay isla sanadkaasi waxay hadana ii keentay Waalidiinteyda ma ahan Farxad la qiyaasi karo waa isu keenaha Qoyska kala maqan" kuwaasi oo xafiis uga furnaa Magaalada Minneapolis, ee Gobolka Minnesota.

Dhanka kale, Waxaa goobta ka hadlay Maamulayaasha sare ee hey'ada IRC kuwaasi oo ka warbixiyey Waxqabadkooda Mudadii 16-ka Sanno ee soo shaqeynayeen. Maamulaha Xafiiska IRC Cali Xaaji Xuseen ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qeyb galay xaflada dabaal dega 16 Sanno Guurada isagoo ka warbixiyey waxqabadka Xafiiskooda mudadii ay soo shaqeynayeen isagoo warka intaasi ku daray in ay sii laba laabi doonaan howlaha ay bulshada u haayaan.

Cali Xaaji Xuseen oo ah Maamulaha Xarunta Immigrent Resource Center oo Saldhigeeda yahay Magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay dadka ka caawinayaan adeegyadani " Viisooyinka, Jinsiyada, Soo Gelitaanka Wadanka, Mideynta Qoysaska Xajka iyo Cumrada, wuxuu sidoo kale Cali sheegay in dhamaan dadka u dhashay USA ee heysta Baasaborka Maraykanka ay ku wargelinayaan in bisha Septemper 2015 Kenya Visa-ha loo qaadanayo ee aan sidii hore Garoonka laga qaadan karin waana Arin Cusub oo sharuudo lagu xeray ay safaarada kaa doonayso dadka ay yihiin kuwo muhiim ah, Balse Xafiiska IRC ayaa arintaasi Xal weyn u halay bulshadana ka caawin kara si fudud oo deg deg ah.

Ugu dambeyn, Waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Wasaaraddii Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga Xiis oo socdaal ku marayey dalka Maraykanka kaasi oo ahaa aas aasaha Xaruntani Immigrent Resource Center. ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii lagu casuumay, isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo Dabaal daga Sanad guuradii 16aad ee ee Xarunta IRC Wuxuuna Yiri " Waa Arin wanaagsan anigoo wadanka 10 Casho oo howlo shaqo u joogo in aan la kulmo munaasabadani qaaliga ah Run ahaantii in Xafiiskani aan aas aaso waxaa igu dhaliyey markii aan arkay Dumar Soomaaliyeed oo qabowga iyo barafka dhacaya banaanka taagan oo feelka ku jira oo dhibaato badan kala kulmay is af garad la'aan badana ay jirtay Dareenkaasi ayaa ku bilaawnay Xafiiskani hada heerka guusha maraya.

Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo)
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA