4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Soomaaliya oo 25-sano kaddib kusoo laabatay Bandhigga Carwada Caalamka (SAWIRRO)


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga oo ay ka socoto Bandhiggii Carwada Caalamka ayaa maanta oo ah 03, Sep, 2015-ka loo Aasteeyey Maalinta Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Furitaanka Bandhig Carweedkan waxaa kasoo Qayb-galay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrka Gacansiga, Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Safiirro ka kala yimid Dalalka Yurub Qaarkood iyo Mas’uuliyiin ka socoday Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Khudbad uu Goobta ka jeediyay Madaxweyne Somalia ayaa Wuxuu kaga Hadlay Xiriirka ka dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Ganacsga, Ammaanka iyo iskaashiga Dhaqaale, Isagoo xusay in Somalia ay Horumar ku tallaabsanayso isla markaana ay diyaar u tahay inay dib u billowdo Ganacsigii Dunida ay la lahayd.

DAAWO: Carwada Caalamiga ah ee Talyaaniga oo ay Soomaaliya ka Qayb-gashay;

Goobta ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Wasiiradda Gaashaandhigga Talyaaniga iyadoo sheegtay in dowladda Talyaaniga ay diyaar u tahay kaalinta Ganacsi iyo horumarka dhanka Beeraha ay ka caawiso Somalia.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa isagana ka Sheegay goobta inay Sannadkan Bandhiga Carwadan Caalamiga ah ay kusoo bandhigeen Wax-soo-saarka Dalka; iyadoo cawada lagu soo bandhigay Qudaarta Caanka ay ku tahay Somalia.

Ugu  dambeyn, Bandhig Carweedkan ayaa shanti sano oo kasta Waddan Dunida ka mid ah lagu qabtaa; iyadoo sannadkii 2010-kii lagu Qabtay Waddanka China, dalka Talyaanigana uu nasiib u yeeshay in sanadkan 2015-ka lagu qabto, iyadoo 2020-kana lagu qaban doono Bandhig Carweedkan Haddii ALLE idmo Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Milaano, Dalka Talyaaniga