4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
UGANDA: Jawaab Dhaqso ah ayaan bixinaynaa Weerarkii Al-shabaab ee Saldhigga JANNAALE


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Ciidamada Millateriga Uganda ayaa ku goodiyay inay Jawaab adag ka bixin doonaan Weerarkii ay Al-shabaab 10-dii bishan September ku Qaadday Saldhigga Ciidamada AMSIOM, ku leeyihiin Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Militariga Uganda, Paddy Ankunda ayaa bogga uu Twitter-ka ku leeyahay ku daabacay in ciidamada dalka Uganda ee Somalia ka Sugan ay Jawaab deg-deg ah ka bixin doonaan Weerarkii Xarakada Al-shabaab ay saldhiggooda Janaale la beegsatay.

“Weerarkan wuxuu wax ka bedeli doonaa ciyaarta, waxaan leenahay Al-shabaab ha fishaan Jawaab adag oo dhaqso ah ay ciidamadeena Somalia jooga ka bixin doonaan Weerarkaas,” ayuu ku yiri Ankunda Qoraalka uu Twitter-kiisa soo dhigay.

Sidoo kale, Afhayeenka Ciidamada Uganda oo saxaafada Maanta kula hadlay Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda ayaa beeniyay in Al-shabaab ay ku dileen weerarkii Jannaale 50 Askartooda ka mid ah; isgaoo sheegay 12-askari oo keliya looga dilay.

Afhayeenka ayaan bixin Faahfaahin intaas ka badan, iyadoo Xilliga uu Hadlayay ay ahayd markii 10-askari oo ciidanka Uganda looga dilay deegaanka Jannaale la geeyay Magaalada Kampala, si loogu aaso dalkooda.

Ugu dambeyn, Paddy Ankunda ayaa dhanka kale, beeniyay in Weerarkaas ay ku waayeen, isagoo xusay inay Askar kaga dhaawacmeen weerarkaas, balse ma sheegin tirada askarta ka dhaawacmay.

Si kastaba ha ahaateen, hadalka Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa imaanaya xilli shalay ay Dublamaasiyiin Reer Galbeed ah oo Somalia ku sugan ay sheegeen in Weerarkaas lagu dilay 50 Askari oo ciidanka AMISOM ah lagu dilay weerarka ayna maqan yihiin 50 Askari oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya