4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Maxkamadeynta Dhallinyaro Soomaali ah oo Shalay ka Dhacday Minneapolis (SAWIRRO)


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Maxkamadda Faderaalka ee Dalka Maraykanka Qaybteeda Magaalada Minneapolis ayaa Shalay la keenay Toddoba Wiil oo Lix ka mid ah ay Somali yihiin, halka kan kalena ahaa Itoobiyaan, kuwaasoo loo haystay inay doonayeen inay ku biiraan Ururka Daacish/ISIS, iyadoo la Xiray Dhallinyaradaan Badankood Bishii Apriil ee Sannadkan 2015-ka.

Tani waa Maxkamaddii Shanaad ee la keeno dhalinyaradan, iyadoo Maxkamaddii shalay ay ujeedadeedu ahayd inay Guryahooda sii joogi karaan inta Dambiyada loo Haysto lagu cadeynayo iyo in la sii haynayo. Maxkamadeynta ayaa billaabatay 9:00 subaxnimo, iyadoo socotay illaa 12:00 duhurnimo, iyadoo doodo dhaadheer kaddib la go’aamiyay in lasii hayn doono Dhallinyaradaan, Maxkamad kalena la hor-keeni doono 16-ka Febaraayo 2016-ka.

Murad Mohamed oo ah Qareen u doodayay dhallinyaradan mid ka mida ayaa Maxkamadda kaddib la hadlay Warbaahinta oo Su’aalo badan Waydiisay Arrintan, isagoo sheegay inay ahayd mid adag, qaadatayna waqti dheer, waan dadaalnay buu yiri, laakiin sidii la rabnay ma aysan dhicin.

“Kuma Qancin Qaabka Go’aanku u dhacay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Maxamuud (Jaamici) oo ka mid ahaa dadkii shalay dhageysanayay Maxkamadda; Xafiiskiisa Qareenada uu hayo faylka mid ka mida Dhallinyarada xiran, waxuuna xusay inay aad uga sii calool xumaadeen xilliga kale oo dheer oo la yiri dhallinyaradan waa la siin hayn doonaa. Sheekhu wuxuu ku daray intaas in dhallinyaradan aysan horay u lahayn fayl-dambiyeed, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay sii wataan waxbarashadooda inta dambiga lagu soo caddeynayo.

Waxaa aad loo sugaayay Natiijada Maxkamadda, Waxaana hareeraha Goobta lagu arkayay Dadwayne iyo Warbaahinta oo Darbiga Xarunta ku Dhowryay Natiijadu; iyadoo qolkii uu dhagaysigu ka socday uu buux-dhaafay, waxaa kaloo Qareennadu sheegeen in dhagaysiga kale uu dhaci doono bisha December ee Sannadkaan.

Ugu dambeyn, Sadik Warfaa oo kula hadlay codka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis ayaa Saxaafadda u Sheegay in Qoysaska iyo Jaaliyadda ay aad uga Calool-xumadeen go’aanka maxkamadda, kaasoo uu xusay inuu ahaa mid aysan filayn, isagoo yiri. “Waxaan Jaaliyad ahaan Xaakinka uga codsanay qorshe qoran oo aan ku rabnay in Wiilasha lasii daayo, marka dareenka Waalidiintu maantu wuxuu ahaa mid aad u xun.”

Arrimahan dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay ku biiraan kooxaha Al-shabaab iyo ISIS ayaa billowday Sannadkii 2007-dii oo ahaa markii dhalinyaradii ugu horreysay ay ka tageen Minnesota ayna aadeen Somalia oo xilligaasoo uu ka socday dagaal u dhexeeyay Dowladdii Somalia iyo Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Todabaadkii hore Sarkaal ka tirsan hay’ada FBI ee Magaalada Minneapolis ayaa sheegay in wali ay socdaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay ku biraan kooxaha Jihaad-doonka ah; isagoo hadalkan ku sheegay Waraysi uu siiyay Wakaaalada Wararka ee AP.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]  
Minneapolis Minnesota