4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Siilaanyo oo Wakiillada ku Celiyay Go’aankii ay ku laaleen Wareejinta Haamaha Keydka Berbera


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa golaha Wakiiladda dib ugu soo celiyey go’aankii ay ku laaleen in shirkaddo gaar ah lagu wareejiyo Haamaha shiidaalka Berbera.

Golaha Wakiiladda ayaa Afar maalmood ka hor laalay in shirkado Gaar ah lagu Wareejiyo Haamaha shiidaalka Berbera kuwaas oo xukuumaddu damacsanayd in Haamaha ka kireyso shirkadaha shiidaalka keenna, haseyeeshee ay arrintaasi ka biyo diideen golaha Wakiilada.

Wasiirka Xiriirka Goleyaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu dib u soo Celiyay Go’aanka goluhu ku laalay in la Wareejiyo Hay’adda Haamaha, si goluhu dib ugu eego heshiiska.

“Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay in aan idin sheego in Xukuumaddu Golaha Wakiiladda dib ugu celisay laalista bixinta haamaha Shiidaalka Berbera, Wakhtiga aan kula Hadlayana shirgudoonku wuu haysta oo uu hor yaalla, markii aanu eegnay Qodobadda u Adeegsaday goluhu maaha kuwo loo adeegsan karo wareejinta hantidda, dastuurku wuxuu sheegayaa in hantida ma guurtida ah la kireyn karo, la rahmi karo lana bedeli karo, waxaanu qodobkaasi awood u siinaya in madaxweynuhu sida uu doono u bedeli karo hantidda ma guurtidda ah ee dawladda”ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud JIbriil.

Waxaanu intaas ku daray “waxaanu go’aankaasi goluhu ka hor imanaya qodobka 12aad ee dastuurka, haddii go’aanka golaha wakiiladu ka hor yimaaado dastuurka waa lagu celinaya, waxaanay adeeg sadeen Qodobadda 39 iyo 54, kuwaasoo shaqo ku lahayn wareejinta Han-tidda ma guurtadda ah”

Si kasta ha ahaatee, go’aankan golaha wakiilada madaxweynuhu dib ugu soo celiyey ayay shacabku Siyaabo kala duwan u arkeen, iyagoo qaarkoodna u arkeen mid Madaxweynuhu ku degdegay halka qaarkoodna  tilmaameen inuu madaxweynuhu ku saxsan yahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland