4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
SAWIRO: Qalin-jabinta dufcadii 1-aad ee ardayda Wax-ka-barta Turkiga oo lagu Qabtay Ankara


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Munaasabadda Qalin-jabinta Dufcaddii Koowaad ee ardayda Soomaaliyeed ee dugsiyada Sare ee dalka Turkiga ayaa lagu Qabtay Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga, Munaasabaddaas oo ay soo Agaasimeen Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET).

Xafladda ayaa Waxaa ka Qayb-galay laguna soo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ugu horreeyo danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya dalka Turkiga, C/llaahi Maxamad Cali Sambaloolshe iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga.

Furitaankii Munaasabadda Waxaa ka Hadlay Guddoomiyaha Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta dalka Turkiga, C/naasir Xasan Caabi oo Ardayda Qalin-jabisay ugu Hambalyeeyay Guusha ay Gaareen Waxbarashadooda; isagoo Xusay inay la Qaybasanayaan Farxaddooda Ardayda kale ee Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta Turkiga.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyay dhamaan kasoo Qayb-galayaasha Xafladda oo uu ugu horreeye Danjire Sanbaloolshe iyo u Qaabisana dhanka Dhaqanka iyo Tacliinta Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkiga ee Safaaradda.

Waxaa isna Munaasabadda ka hadlay Danjire C/llaahi Maxamad Sambaloolshe oo sheegay inuu ku faraxsan yahay xafladda lagu maamuusaayo Qalin-jabinta Dufcaddii koowaad ee Ardayda Soomaliyeed ee wax ka barta Wadanka Turkiga iyo sida quruxda badan ee loosoo dhaweeyay; isagoo boorriyay guusha ay Ardaydu soo hoyeen, wuxuuna kula Dar-daarmay inaysan wax barashada ka harin ee ay sii wataan, isagoo Arrintaani ay muujinayso sida ay Soomaaliya Horumarka uga gaarayso dhanka Waxbarashada.

Ugu dambeyn, Danjiruhu wuxuu Shahaadooyin Guddoonsiiyay Ardayda Qalin-jabinaysay, wuxuu kaloo shahaado sharaf la Guddoonsiiyay Danjire Sambaloolshe, iyadoo ay xafladdu kusoo dhammaatay jawi deggen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya