4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
PUNTLAND: Sarifleyda lacagaha qalaad oo sheegay in Lacago Cusub ay soo galeen Suuqyada


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Sariflayda Magaalada Garoowe ayaa cabasho ka muujiyay lacag cusub oo la sheegay in suuqa la soo galiyay maalmo ka hor, taasoo sarif-leydu ay ku sheegeen inay Sababi karto Sicir-barar iyo Sarifka Lacagaha Qalaad ee laga Adeegsado Puntland.

C/casiis Faarax Gaas oo ka mid ah Sarrifleyaasha Magaalada Garoowe ayaa Sheegay inay lacagtan cusub Suuqyada soo gashay dhamaadkii bisiii hore ee agoosto, isla markaana ay ka walaacsan-yihiin saamaynta ka dhalan doonta.

“Maanta gacanta hore boqolka doollar waxaa lagu sarafiyaa laba milyan iyo labo boqol oo shillinka Soomaaliga ah halka gacanta danbena lagu qabanayo laba milyan iyo labo boqol iyo konton kun oo shillinka Soomaaliga ah, sare u kac ayaana jira,“ ayuu yiri C/casiis oo la hadlayay Warbaahinta Gudaha.

“Sicir barar xoogan ayaa halkan ka dhici kara hadii lacago kale oo lagu daabacay gobollada dhexe ay Halkaan soo gaaraan,“ ayuu mar kale yiri C/casiis oo Sheegay in Dowladda looga baahan yahay sidii ay xil gooni ah isaga saari lahayd arintan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo  aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan jiritaanka lacagtan suuqa la soo galiyay, lacagtaasoo la sheegay in lagu daabacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ugu dambayn, Qaar ka mid ah Sarrifleyda ayaa Xaqiijiyay in Lacagtan ay ula yimaadeen qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo mushaar ahaan loo siiyay, lamana oga siyaaasadda maamulka uga dagsan xakamaynta maciishada caadiga ah ee suuqyada Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]