4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Taliye iyo Taliye ku xigeen Cusub oo Maanta loo Magacaabay Millateriga Somalia (SAWIRRO)


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Shir ay maanta isugu yimaadeen golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa maanta isugu yimid Kulankoodii Joogtada ahaa, iyadoo kulanka lagu Magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Cusub ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa golaha wasiirrada u soo jeediyay Magacaabid Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, waxaana dood-dheer kaddib ay Golaha Wasiirradu isla ogolaadeen Magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidamada Xooga oo loo magacaabay, Jen. Maxamed Aadan Axmad.

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka Ciidamada Xogga Dalka ayaa waxaa isna loo magacaabay, Cali Baashir Maxamed Xaaji Cumar, iyadoo xilkan uu horay u hayay Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, kaasoo aan la sheegin in xilka laga Qaaday.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale soo jeediyay in la dalacsiiyo Taliyaha Cusub ee maanta la magacaabay, Maxamed Aadan Axmad, iyadoo la siiyay Darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsi takhasus u leh howlaha Ciidanka, kana soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibaddiisa ah.

Taliyaha cusub ee C.X.D, Jen. Maxamed Aadan Axmad ayaa Waxbrashadiisii ciidannimo kusoo Qaatay Kulliyada ciidamada ee Masar, kulliyada hoggaaminta ciidanka ee Ruushka, kulliyada Dagaalka ee Dalka Mareykanka, isagoo sidoo kale soo Qabtay Xilal kala duwan oo Ciidamada ah, Wuxuuna ahaa Taliye Qaybta Baladweyne, Taliyaha Qeybta Ciidamada 60-aad ee Baydhabo, Taliyaha Qaybta 21-aad ee Dhuusa-mareeb.

Arrintan ayaa Qayb ka ah, Dardar-gelinta, Xoojinta iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Shirka Guddoominayay uu ku Ammaanay Hoggaankii hore ee Ciidamada inay Heer Wanaagsan soo Gaarsiiyeen Taliska Ciidamada, loogana fadhiyo Hoggaankan Cusub inuu halkaasi kasii wado.

Ugu dambeyn, Hanti-dhowraha guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixiyay hawlaha xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka, taasoo ku Saabsaneyn Arrimaha Baarista, hubinta iyo illaalinta hantida Qaranka, guurtada & Maguurtaba. Waxaana xafiiska Hanti-dhowrku uu ka codsaday xukuumadda inay ku garab-siiso gudashada waajibaadkiisa shaqo, si loo Ilaaliyo Hantida Qaranka, looguna dhaqmo si Waafaqsan Sharciga.

Si kastaba ah ahaatee, Xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa waxaa muddo sannado ah hayay Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe], iyadoo aan laga sheegin shirka Golaha Wasiirrada ee maanta lagu magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka in xilka laga qaaday Jen. Daahir Indha-qarshe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya