4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Tartan QUR'AANKA Kariimka ah oo ka billowday Magaalada Minneapolis, Minnesota (SAWIRRO)


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo si habsami leh loosoo Agaasimay ayaa ka billowday Shalay Masaajidka Weyn ee Abuubakar As-Sadiq Islamic Center (AAIC) ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Tartankaan Qur’aanka ee Xiisaha badan, ayaa Waxaa soo Agaasintay Dalladda isu-tagga Dugsiyada Minnesota (M.D.A).

Musaabaddan oo lagu Magac-daray: ‘Tartanka Qur’aanka Kariimka ee dalka Maraykanka' ayaa noqon doonta mid Sannad Walba ay Qaban doonaan Minnesota Dugsi Association, sida ay noo sheegeen Qabanqaabiyeyaasha Tartanka.

Tartankankan Qur’aanka ee ka billowday Maraykanka waxaa ka qayb-galaya 130 Arday oo isagu jira Wiilal iyo Gabdho; kuwaasoo ka kala yimid Qaar ka mid ah Gobollada Mareykanka, sida; Maryland, Virgina, Ohio, Nashville iyo Washington, iyo sidoo kala dalka Canada.

Ardayda ka Qayb-galaya Tartankan oo u badan kuwa da'doodu yar tahay kuna dhashay Maraykanka ayaa iska soo diiwaan galiyay Website-ka MDA-da ka hor inta aan la gaarin madashii loogu tala-galay inuu ku furmo. Waxayna isugu jiraan Ardayda tartamaya kuwo ku Tartamaysa Shan (5) Jus, Shan iyo Toban (15) Jus iyo kuwo iyagu ku Tartamaya (30) Jus oo ah Qur’aanka oo dhan.

Sidoo kale, Tartamayaasha maha kuwo ku kooban Soomaali kaliya ee Muslimiim kale ayaa ku jira sida ay Warbixinta ku bixiyeen madaxda dallada MDA. Ardayda Kaalimaha koowaad, labaad iyo Sedexaad galana waxaa loo sheegay in la guddoonsiin doono abaal-gud Qiimo badan; Qaarna Xajka la gayn doono.

“Ujeeddada laga leeyahay Tartamada ayaa ah in la Ogaado intay Ardaydu ka barteen Qur’aanka,” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka mid ah Culummadda Waawayn ee Soomaaliyeed; Waxuuna Sheekhu sheegay in ilaahay ammaanay Qofkii Qur’aanka barta, isla markaana Dadka Bara.

Guddiga Garsoorka ee Tartankan Qur'aanka ayaa kakala yimid Magaalooyin kala duwan; sida Hargaysa iyo Gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka.

Culummadii kasoo Qayb-gashay Furitaanka Tartankan oo uu Hoggaaminayeen Sheekh C/raxmaaan Sh. Cumar iyo Sh. Maxamed Cabdi Shucayb, ayaa u duceeyeen Macallimiinta Dugsiyada Midoobay ee MDA, iyagoo qiray inay wadaan hawl-weyn & Mas’uuliyad adag; taasoo ay ku Tilmaameen mid Ilaahay loogu dhawaado.

Dhanka kale, Tartankankan ayaa socon doona shan maalmood; iyadoo lagu soo Gaba-gabeen doono maalinta Axada ah Xarunta weyn ee Shirarka lagu qabto ee Minneapolis Convention Center oo beri oo Jimco ah; ka billaabanayo kulan diimeedkii 15-aad ee Magaalada Minneapolis lagu Qaban jiray Sannad Walba.

Ugu dambeyn, Ururka Isu-taga Dugsiyada MDA oo la Aasaasay Goor aan dheereyn ayaa muuqata inay kasoo dhalaashay dacwada guud iyo Horumarinta Ardayda, Waxayna Qaban doonaan Qalinjabintii Ardayda Qur’aaanka Barashadiisa dhameysay Sannadkan 2015-ka oo tiradoodu ka badan tahay 140 Arday.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota