4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
JEN DIINI: Waxaa naga go’an in ciidan Qaran oo Tayo iyo Tababar leh aan Dhisno (SAWIRRO)


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar u soo xiray cutubkii labaad oo ka tirsan Ciidamada xoogga oo tababar layli sarkaal ah qaatay, kuwaasoo ay Tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta. Waxanaa Xafladda Tababarkaan lagu soo xiray lagu qabtay Xero Agoon ka Qayb-galay Xubno ka socday labada gole ee dawladda Somalia iyo saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia.

Jen. Diini ayaa xusay in Ciidamadan ay kaalin wax ku ool ah ka geysan doonaan dhismaha ciidan Qaran oo dheelli-tiran, isla markaana ku shaqeynaya Waddaniyad, isagoo u Mahad-celiyay Dawladda Imaaraadka Carabta ee iyadu tababarka bixisay.

“Tababarkan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo Tayayn Qor-shaysan ee dib loogu dhisayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jen. Diini oo intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay Muhiimadda Koowaad siinayso sidii Dalku u heli lahaa ciidammo Aqoon iyo Khibrad ku filan leh kuna shaqeeyana eex la’aan.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa Xusay in Xukuumadda Imaaraadka Caraba ay mar walba la garab-taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Qalabka sida tababar iyo taakuleyn joogto ah.

Ugu dambeyn, Jen. Diini ayaa yiri. “Waxaa la idinka doonayaa inaad dadka Soomaaliyeed u adeegtaaan oo aad difaacdaan; isla markaana aad dhawrtaan Xaquuqdooda oo aanan lagu Xadgudbin. Tababarada ciidamadu waa astaan muujinaysa dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida, Waxaana Naga Go’an inaan ballaarinno Tababarada iyo Qalabaynta Ciidamadeena si ay u gataan waajibaadka Qaran ee ay u igman yihiin.”

Maalmo ka Hor ayay ahayd Markii Saraakiil Ciidan uu Wasiirka Difaaca Soomaaliya uu tababar ugu soo xiray Xerada Jaziira, kuwaasoo uu midkiiba u xiray min laba xiddigood u xiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya