4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Jaamacadda SIMAD oo Maanta Daah-furtay Waxbarashada Master Degree-ga (SAWIRRO)


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Kaddib Saddex Sano oo ay Jaamacadda SIMAD Iskaashi Waxabarshada Sare ah oo kala Ddhexeeyay Jamaacadda OUM ee Dalka Malaysia ayaa maanta marki ugu horreesay ku dhawaaqday Masters ay gaar u leedahay Jaamacadda.

Xaflad si heer sare loosoo Agaasimay laguna Furayay Waxbarashada Sare ee Master-ka oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD ayaa lagu Qabtay hoolka shirarka ee Hoteel Safaari ee Magaalada muqdisho.

Waxaa sidoo kale, xafladda goobjoog ka ahaa ardaydii hore uga Qalin-jabisay Jaamacadda, Macallimiin iyo Maamulka Jaamacadda.

Agaasimaha xarunta daraasaadka sare ee Jaamacadda SIMAD, Cali Yaasiin oo ka hadlay Xafladda ayaa Sheegay in la Gaaray Xilligii Jaamacaddu yeelan laheyd Master Program, kaddib saddex sano oo ay bixinaysay Waxabarshada sare, iyadoo kaashanaysa Jaamacado dalka dibaddiisa ku yaalla.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in barnaamijkan loogu danaynayo dhamaan dadka danaynaya waxbarashada sare oo aan fursad u helin in ay dibadda aaddan.

Dhanka kale, Guddooniyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo Awaamirtii Golaha sare ee Jaamacadda la furay Barnaamikan Waxbarashada sare ah si loo dhiirri-galiyo Awooda Cilmi-baaris ee Dalka.

Wuxuu Tilmaamay in Qorshayaasha Jaamacadda ay ugu Muhiimsan yihiin Xilligan Hir-galinta Mashaaricda Waxbarashada sare ee Master-ka iyo PhD-da oo mar dhaw la billaabi doono.

Jaamacadda SIMAD ayaa waxaa u Qorshaysan in lagu baahiyo Gobollada Dalka si Dadka loogu dhaweeyo horumarka iyo Aqoonta.

Ugu dambeyn, Jaamacadda SIMAD waxa la aas aasay Sannadkii 1999, iyadoo si Tartiib ah loogu soo kordhinayay takhasusad kala duwan, Jaamacadu hada waxay bixisaa 21 takhasus oo Darajada Koowaad ee Jaamacadda ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya