4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Taliyaha Millateriga Uganda oo Booqday Xerada Jannaale ee ay Al-shabaab Weerartay (Sawirro)


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, Jen. Edward Katumba Wamala ayaa booqday saldhigga deegaanka Jannaale ay ku leedahay AMISOM, halkaasoo maalin ka hor lagu weeraray ciidamada Uganda ee ka qaybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Saldhiggan ayaa wuxuu gacanta u galay Al-shabaab, iyadoo tiro ka mid ah Ciidamada ka socda Uganda ee AMISOM lagu dilay halkaas, kuwo kalena lagu dhaawacay, waxaana Al-shabaab ay sheegtay in weerarkaas ay ugu aargudaheen shacab ay ciidamada AMISOM ku laayeen degmada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

“Booqashadeydan waxay ku timid weerarkii halkan loogu geystay ciidamadeena, weerarka saldhggan aynu hadda joogno Al-shabaab waxay u adeegsatay qaraxyo, waxaana ku naf-waayay saaxiibbadeen; waxaana imaanshahaygu uu la xiriiraa sidii aan u qiimeyn lahayn sida ay wax u dhaceen. Waxaana ku farxay in Al-shabaab la iska difaacay,” ayuu taliyaha ciidamada dalka Uganda yiri.

Sidoo kale, Jen. Katumba waxaa booqashadiisan ku wehliyay taliyaha ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, Jen. Sam Kavuma oo warbixin ka siiyay sidii ay wax u dhaceen, isagoo ciidamada ku ammaanay inay ka hortageen Al-shabaab; ayna dib ugu soo laabteen xerada.

Jen. Katumba Wamala ayaa dhankiisa u mahadceliyay howlgallada ay ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay ka wadaan Gobollada dalka Qaarkood, kuwaasoo uu xusay inay dhan ka yihiin Al-shabaab.

“Dhammaan qaybaha ay wada-shaqeynta naga dhexeyso iyo ciidanka kale ee ka walaacsan khasaaraha nasoo gaaray waxaan u sheegaynaa inay tiiraanyo aad u xooggan nagu dhalisay khasaaraha ciidamadeenna soo gaaray, balse waxaan u sheegayaa in askarteenu ay dhinteen iyagoo Shacabka Soomaaliyeed ka Difaacaya Ficillada Gurracan ee Al-shabaab,” ayuu mar kale yiri Jen. Wamala.

Ugu dambeyn, Jen. Sam Kavuma ayaa isna xusay in ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, inta Soomaaliya oo dhan nabad ay ka noqonayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya