4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka Talyaaniga kula kulmaya mas'uuliyiin & shirkado maalgashi


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Madaxxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Milano ee Talyaaniga, halkaasoo uu kaga Qayb-galayo Maanta carwo caalami ah oo dhinaca Ganacsiga iyo Maal-gashiga ah.

Xasan Sheekh oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirro, Ganacsato iyo Mas'uuliyiin kale ayaa Dowladaha iyo Ganacsatada ka Qayb-galaya Carwadan kala hadli doona sidii ay Somalia Maal-gashi ugu sameyn lahaayeen, Gaar haan Dhinaca Tamarta Korontada oo udub-dhexaad u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo wax soo saarka.

Carwada Caalamiga ah ee Milano 2015-ka ayaa maanta waxaa lagu soo ban-dhigaya bar-naamij u gaar ah Somalia, kadibna waxaa xigi doona shir gaar ah oo looga hadlayo maal-gashiga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beri magaalada Roma ee Xarunta Talyaaniga kula kulmi doona Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella iyo xubni kale oo ka tirsan dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa intaanu soo gaarin dalka Talyaaniga ku hakadey magaalada Djibouti, halkaas oo uu wadahadal gaar ah kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellle, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya