4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2015
Wasiirada Caafimaadka oo sheegtay in Dhaqaale-xumo Awgeed ay Hawlahooda u socon la’yihiin


Khamiis, September 03, 2015 (HOL) — Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Xaawo Xasan Maxamed oo ku sugan magaalada London ayaa sheegtay in dhaqaale-xumo awgeed ay u socon la' yihiin Qorshisii Wasaaradda u degsanaa.

Iyadoo la hadlaysay VOA ayay xustay in isku-daygii lagu baahinayay adeega caafimaadka aasaasiga ah ee dalka Soomaalia ay ka mid yihiin qorshayaasha u xayiran lacag la’aanta wasaaradda haysata.

Sidoo kale, Wasiirada ayaa xustay in Wasaaradeedu ay ka shaqeynayso sidii ay uga hortegi lahayd ka ganacsiga dawooyinka dhacay, kuwaasoo ay xustay inay dhibaatooyin ba’an ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Runtii Wasaarada Caafimaadka intaan xilka hayay wax badan ayaa qabsoomay, waxaana waxyaabaha aan wax ka qabannay ka mid ah in dalka oo dhan aanu gaarsiinno adeegyada caafimaadka, ururrinta, isku-daba-ridka iyo soo saarinta xogta caafimaadka dalka iyo kuwo kale oo fara badan,” ayay tiri wasiirad Xaawo.

Wasiiradu waxay xustay in lacagaha aysan dowladdu gacanta ku hayn lacagihii caafimaadka loogu adeegi lahaa, waxaana gacanta ku haya haya’daha gargaarka ee caalamiga ah, iyaguna ay bixiyaan talooyinka oo kale.

“Haddii dowladda Somalia ay soo mari lahayd lacagta wax badan ayaan qaban lahayn sida aan rumeysanahay, balse dhaqaale la’aanta jirta ayaa sababtay in wax badan ay sidii la rabay u socon waayaan,” ayay hadalkeeda ku dartay wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiiraddu waxay sheegtay in Wasaaraddu ay furtay Iskuulo lagu tabaaro shaqaalaha Caafimaadka, kuwaasoo ay xustay inay ka fureen Muqdisho, Baydhabo, haddana ay qorsheynayaan inay ka furaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mar ay ka hadlaysay Isbitaallada Muqdisho ku yaalla inay gacanta ugu jiraan DF Somalia iyo in kale, ayay sheegtay inaysan dowladda si buuxda gacanta ugu jirin, haddana aysan ka maqnayn gacantooda, iyadoo xustay in sababta kaliftay inay si toos ugula wareegi waayeen ay tahay miisaaniyad xumo haysata.

Ugu dambeyn, Hadalka Wasiiradda Caafimaadka Somalia ayaa imaanaya xilli ay ka jiraan dalka khliaafyo siyaasadeed oo sababay dhaqaale la’aan xooggan, taas oo ay si aad ah uga cabanayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya