4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Siminaar Magaalada Nairobi uga furmay Gudiga Xuduudaha iyo Federaalka Somalia (SAWIRRO)


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Aqoon-kororsi mudo saddex cisho ah socon doono, ayaa maanta oga furmay Magaalada Nairobi guddiga Madaxa bannaan ee Soohdimaha iyo Federaalka Soomaaliya, iyadoo Seminarkaana ay ka Qayb-galayaan Xubno ka kala Socda Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, Ururada Bulshada rayidka iyo Guddigaan Madaxa bannaan.

Aqoon-kororsigaan oo lagu baran doono habka xadaynta soohdimaha, hanaanka Federaalka iyo Xirfadaha Fududeynta Qabashada Doorashooyinka Somalia, ayaa waxaa maanta Furay Safiirka Somalia u fadhiyo wadanka Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo kula dar-daarmay xubnaha ka qeyb galaayo Workshop-kaan iney si fiican ugu Adeegaan Ummadda Soomaaliyeed.

"Waxaan idin kula Dar-daarmayaa inaad si fiican uga Faa'iideysataan Aqoon-kororsigaan, waxaadna ogaataan iney masuuliyad idinka saaran tahay sidii aad howshiina u gudan lahaydeen", ayuu yiri Danjire Jamal Mohamed Hasan oo kula dar-daarmay xubnaha ka qeyb-galaayo Aqoon-kororsigaan iney si wanaagsan wax u bartaan.

Dhanka kale Khaliif Cabdikariin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xuduudaha iyo federaalka, ayaa tilmaamay in shaqo culus ay hortaalo guddigooda. Wuxuuna intaas ku daray iney si fiican oga faa'ideysan doonaan aqoon kororsigaan.

Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo federaalka Somalia oo la dhisay bilooyin ka hor, ayaa waxaa looga fadhiyaa sameynta Soohdimaha iyo fidinta hannaanka federaalka ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Seminar-kaan oo ay Maal-galisay hay'adaha Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah xubno ka kala socdo; Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Guddiga madaxa bannaan & xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya