4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Saraakiil Reer galbeed ah oo sheegay in 50 askari oo AMISOM ah lagu Dilay Weerarkii Jannaale


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 50 Askari oo ka Tirsanaa Ciidammada AMSIOM ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaadday saldhig AMISOM ay ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose sida laga soo xigtay Saraakiil Reer Galbeed ah.

Saraakiisha Reer Galbeedka ah ayaa Sheegay in sidoo kale la weysan yahay 50 Askari oo kale, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay jiraan, inkastoo weli AMISOM aysan ka hadlin wixii khasaare ah ee ciidamadooda kasoo gaaray weerarkaas.

“Qiimeynta aan hayno waxay sheegaysaa in ugu yaraan 50-askari oo Ciidamada AMISOM ka tirsan ay dhinteen,” ayuu yiri dublamaasiyiin Reer Galbeed ah oo la hadlay AFP, iyagoo intaas ku daray in 50-askari oo kale la la’yahay.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ay ugu aargudayeen dad shacab ah oo ay ciidamada AMISOM ku laayeen degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose dhammaadkii 31-kii bishii July ee Sannadkan.

Sidoo kale, AMISOM oo iyaduna war-saxaafadeed soo saartay ayaa ku sheegtay inay weli Qiimeynayaan khasaaraha soo gaaray askartooda & burburkii gaaray Saldhigooda Jannaale, kaddib Weerarkii Al-shabaab, iyagoo aan khasaaraha ka dhashay weli sheegin.

Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ah ayaa warkooda ku sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan ayna Al-shabaab jabiyeen buundooyinkii, taasoo keentay in Xeradu noqoto mid go’doonsan, iyadoo markaas kaddib lagu Weeraray dhowr Qarax ayna Saldhigga Gudaha u galeen ugu yaraan 200 oo ciidan oo Al-shabaab ah.

AMISOM ayaa Waxay iyaduna Qiratay in Ciidamadooda ay ka baxeen Saldhigga markii uu weerarku billowday, balse ay dib ugu laabteen oo ay qabsadeen, ayna haatan si buuxda ugu hayaan gacanta.

Warbixinta saraakiisha reer galbeedka ah ayaa waxay ku xuseen in AMISOM ay wajahayso Xilligan Weerarro Gaadmo ah oo kaga imaanaya Al-shabaab, kaddib markii kooxda ay kala wareegeen deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha  Somalia ku yaalla.

Ugu dambeyn, goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay inuu arkay 30 askarta AMISOM ka mid ah oo dhintay, kaddib weerarka, wuxuuna ruuxaan goobjoogaha ah uu yiri. “Waxaan tiriyay dhimashada askarta AMISOM, waxaana arkay 30-askari oo mayd ah, kuwaasoo lagu dilay weerarka.”

Si kasta ha ahaatee, Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ah ee la hadlay AFP ayaa sheegay in weerarkan uu ka mid yahay weerarradii ugu xumaa ee ciidamada AMISOM ay la kulamaan tan iyo markii ay howlgalladooda ka billaabeen Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya