4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax oo aywehliyaan mas'uuliyiin uu ka mid yahay wasiiru-dowlaha xafiiska ra'iisal wasaaraha C/raxmaan Kulmiye Xirsi, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne,

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta maamulka Gobolka, ayaa sheegay in Muqdisho uu uga qeyb-gallay munaasabadii saxiixa dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

“Magaalada Muqdisho ayaa howlo shaqo ugu maqneyn,waxaan qeyb ka ahaa saxiixayaashii dhismaha maamulka labada Gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, oo dhawaan si Rasmi ah loo anbaqaadi doonno," ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

 Waxaa uu meesha ka saaray hadal ka soo yeeray dhawaan odayaal dhaqameed iyo qurbo joog reer Hiiraan oo sheegay inaysan aqbalsanayn dhismaha maamulka labada gobol, isaga oo sheegay in wararka noocaas oo kale xiligan loo baahneyn.

Guddoomiyaha iyo wasiiru-dowlaha ayaa booqday mashariic kala duwan iyo dhismayaal laga her-galinayo magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Kulmiye Xirsi ayaa Ammaanay Hormarada kala duwan ee ka jira Beledweyne, isaga oo ku amaanay bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka, sidda ay isugu howleen ka qeyb-qaadashada her-galinta amaan lagu soo dhiiran karo.

Wasaarrada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa dhawaan sheegtay in uu dib u dhacay shirweynihii dhismaha maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya