4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Al-shabaab oo Shacabka Muqdisho uga Digtay inay Tagaan Hoteellada ku yaalla Xeebta Liido


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa ka Digtay Caweysyada Hoteellada ku yaalla Xeebaha Muqdisho, iyagoo ku Goodiyay inay Beegsan Doonaan Haweenka iyo Ragga Falalka Dhaqan-xumada ah ku haya Goobahaas; Sida ay maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Al-shabaab ayaa xilliyadii dambe weeraro is-miidaamin ah la beegsanayay meelo ya ka mid yihiin hoteellada ku yaalla caasimadda Somalia ee Muqdisho, halkaas oo ay ku badan yihiin shacabka.

Somalia ayaa waxaa ka socday colaado tan iyo markii xukuumadii hore laga tuuray awooda Sannadkii 1991-kii, iyadoo dalka uu hadda u muuqdo mid kasoo kabanaya dhibaatooyinkii mudadaas dheer soo maray, uuna ka socdo dib u dhis.

Amniga Muqdisho oo soo hagaagaya ayaa sababay in Qubo-joog fara badan ay dib ugu soo laabtaan wadanka, kuwaasoo booqda xeebaha dalka oo ay muusigga ku dhageystaan, sidoo kalena ay ku dabaashaan.

“Waxaan ugu baaqaynaa dadka muslimiinta ah inay ka fogaadaan Hoteellada ay Haweenka iyo Raggu ku sameeyaan anshax-xumada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen [Jabal], isagoo intaas ku daray. “Qofkii lagu arko goobahaas, waxaan u tixgelin doonnaa inuu ka mid yahay cadowga dalka kusoo duulay.”

Xukuumada Somalia ayaan weli wax War kasoo saarin digniinta Al-shabaab ay soo saartay. Iyadoo Mas’uulkan u Hadlay Al-shabaab uu sidoo kale Xusay inay Xoogaggoodu Fuliyeen ambeeyeen xoogaggooda dilalkii dhawaanahan ka dhacayay Muqdisho.

Digniinta Al-shabaab ayaa kusoo beegmaysa iyadoo weerar ay ku qaadeen shalay Saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 100-km dhanka Koonfureed kaga began xarunta Somalia.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weeraro is-daba-joog ah ka geysanaysay Muqdisho tan iyo markii laga saaray Muqdisho dhamaadkii 2011-kii; markaasoo ay billowdeen dalka Weerarro ka dhan ah Al-shabaab oo ay Hormuud u tahay AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya