4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
AKHRISO: Talooyinkii ururada bulshada rayidka ay kasoo jeediyeen shirkii dib-u-eegista Dastuura


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Ururrrada Bulshada Rayidka ah ee Somalia ee ka Qaybgalay Shirkii dib u eegista Dastuurka Dalka ee Muqdisho lagu qabtay 30-kii iyo 31-kii bishii lasoo dhaafay ee Ogosto ayaa waxay soo jeediyeen 14-qodob oo Talooyin ah.

Haddaba, Talooyinka ay Ururada Bulshadu Rayidka ah ee Somalia ay soo Jeediyeen waxay kala yihiin;

1. Waxaa si Taxaddar leh Hoosta looga Xariiqay in Dib-u-eegista Dastuurka iyo   Holwaha lagu Wacyi-galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid Horseed u noqdo in Dastuurku uu noqdo mid ay Soomaalidu leedahay.

2. In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Baarlamaanka ee dib-u-eegista dastuurka, Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hir-gelinta dastuurka iyo bulshada Rayidka ah ay ka Wada- shaqeeyaan sidii loo Gaarsiin lahaa Dadweynaha Geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

3. Si loo Sahlo Wadashaqaynta Wasaaradda Dastuurka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah Waxay kala Saxiixan Doonaan Nuqul Is-faham ah (MoU) oo Wada-shaqeyntoodu ay ku caddahay.

4. Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta Dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jira Qaybaha kala duwan ee bulshada Sida: Haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha-dhaqanka, culummaa’uddiinka, naafada iyo Siyaasiyiinta.

5. Dastuurku waa in lagu qoraa luuqadda Soomaaliga, isla markaana uu wato sharraxaad si ay u sahasho in Shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab-beelo fahamkiisa.

6. Waxaaa la magacaabayaa guddi talo-bixin (advisory group) oo ka kooba xubno matalayo ururada bulshada Rayidka oo si joogta ah ula taliya Wasaarada Arrimaha Dastuurka.

7. Waa inay hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka ay ka talo-galiyaan ururrada bulshada rayidka ah Farriimaha lagu Baahinayo Warfaafinta si looga Hor-tago inuu dhasho ama abuurmo dareen dhib u keeni kara geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

8. Qaybaha ugu culus dib-u-eegista Dastuurka Dalka waa Arrimaha khuseeya Siyaasadda, Sidaas Darteed, Waa in la qabto Kulammo ballaaran (Town hall meetings) oo lagu falan-qeynayo Qodobada siyaasadeed ee Dastuurka iyo arrimaha Xasaasiga ah.

9. In Bulshada Rayidka ah, gaar ahaan kuwa qaabilsan Arrintan ay noqdaan codkii u hadli lahaa Dadweynaha.

10. In la isticmaalo aaladaha kala duwan ee Warfaafinta ee kuwa maqalka, muuqaalka iyo Internet-ka (Social Media) si ay Dadweynuhu u Fahmaan Dastuurkooda.

11. In farriimaha la gudbinayo loo adeegsado Suugaanta Somalia, laguna saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Deegaankaas.

12. Waan in bulshada baahida gaarka ah qaba sida; Naafadda muuqata iyo tan aan muuqan lagu tixgaliyo baahida ay qabaan, isla markaana xuquuqaadkooda la sugo.

13. Hay’adaha Caalamiga ah ee Doonayo in ay Caawiyaan Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waa in ay Mideeyaan Xooggooda, Taladooda, Xiriirintooda, isla markaana ay si joogta ah ula shaqeeyaan kana talo-qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

14. Maamullada Dalka ka jiraa waa in door muhiim ah laga siiyo wada-tshiga, dib-u-eegista iyo faafinta Dastuurka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya