4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
BUJUMBURA: Afar Ruux oo lagu dilay rabshado kasoo Cusboonaaday Dalka Burundi (SAWIRRO)


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Afar Qof ayaa lagu Dilay isku-dhacyo kasoo cuboonaaday Magaalada Bujumbura ee xarunta Burundi Maanta oo Abraco ah, sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliiska iyo Goob-joogayaal.

Saraakiisha Booliiska iyo Goobjoogayaasha ayaa u sheegay warbaahinta inay xalay oo dhan rabshado ka dhacayeen qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Bujumbura, iyadoo xusay in la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan iyo bambooyin, iyadoo booliiska ay ku eedeeyay in Rabshadahan Cusub ay billaabeen Kooxo Fallaago.

“Laba ruux oo ka mid ah Fallaagada ayaa Saakay lagu dilay Xaafadda Jabe, kaddib markii iyaga iyo ciidamada booliiska ay is-rasaaseyni dhexmartay, qoryihoodiina waa laga qaaday,” ayuu taliye ku xigeenka Booliiska Waddanka Burundi Godefroid Bizimana u sheegay AFP, isagoo intaas ku daray in howlgallo lagu baadi-goobayo kooxaha hubeysan ay socdaan.

Goobjoogayaal aan is-magacaabin ayaana iyaga u sheegay warbaahinta in saaka laga helay Maydadka laba qof oo kale inta u Dhexeysa Xaafadaha Kanyosha iyo Musaga oo ka tirsan Magaalada Bujumbura.

“Tan iyo saakay waxaa xaafadda Musaga ku sugnaa Ciidammo Booliiska iyo Millateri ah, kuwaasoo baaritaanno ku sameynayay goobo ka mid ah xaafadda oo ay uga shakiyeen in hub lagu qarinayo,” ayuu hadalkiisa ku daray Bizimana.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa iyagana sheegay in rabashado cusub ay dib uga dillaaceen Bujumbura, kaddib dhowr maalmood oo xaalad deggenaasho ah lagu jiray, iyagoo intaas ku daray in rabashadahan ay salka ku hayaan dila laba ruux oo ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah oo dhacay Axaddii laga soo gudbay, kuwaasoo dilkooda lagu eedeeyay booliiska.

Xiisadaha ka taagan dalka Burundi ayaa bilowday bishii Abriil ee sanadkan lagu jiro, kaddib markii Madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxnimo ee dalkaas, taasoo ay diideen Axsaabta Muaaradka & Ururrada Bulshada Rayidka ah Burundi.

Mucaaradka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa ku Doodaya in Madaxweynuhu uu jabiyay Dastuurka dalkaas oo u ogolaanaya inuu laba jeer oo keliya xilka isku soo sharraxi karo, isaguna uu doonayo inuu xukunka awood ku sii haysto.

Ugu dambeyn, Rabshadaha ka socda Burundi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 120-qof oo ay ku jiraan askar iyo shacab, iyadoo bartamihii sannadkan ay Saraakiisha Millateriga dalkaas isku dayeen inay Madaxweynaha Awoodda kala wareegaan inkastoo uu Inqilaabkas fashilmay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya