4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Heshiis Iskaashi oo ay Maanta kala saxiixdeen Hay’ada Iftiin iyo Jaamacada Simad (SAWIRRO)


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Heshiis Iskaashi oo Waxbarashada ayaa Maanta waxaa kala saxiixday Hay’adda Iftiin Education and development (IFED) iyo Jaamacadda SIMAD, iyadoo saxiixa heshiiska uu ka dhacay xarunta Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Jaamacadda SIMAD ay bixiso Tababar Macallinnimo oo shan sano socon doona; kaasoo lagu tababarayo 80 Macallin oo ka tirsan Macalimiinta Hay’adda Iftiin.

Sidoo kale, Jaamacadda SIMAD ayaa ka Furaysa Xarun Waxbaraho Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud halkaasoo uu tababarka Macallimiintu ka dhici doono.

Sidoo kale, Hay’adda Iftiin oo ah Hay’ad Madax-bannaan ayaa waxaa Aasaasay Aqoon-yahano Qurba-joog ah, iyadoo hay’addu ka howlgashaa Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Hay’adda Iftiin ayaa Gacanta ku heysa in ka badan 10 iskuul oo Waxbarashada Aasaasiga ah iyo kuwa sare lagu bixiyo, waxayna ku kala yaalaan guud ahaan Deegaannada Gobolada Dhexe.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Carab ayaa xusay inay aad ugu faraxsan yihiin in loo Dhaweeyo Jaamacadda Bulshada Soomaaliyeed, isagoo Raaciyay inay Xarumo Waxbarasho dhawaan ka furi doonaan gobollo kale.

Dhanka kale, Guddomiyaha Hay’adda Iftiin oo isagana ka hadlay xafladda heshiiskan lagu Saxiixayay ayaa Sheegay in ay Fursad Weyn u tahay Dadka ku Nool Gobollada Dhexe ee Somalia in Waxbarasho tayo leh loogu geeyo Deegaannadooda.

Mas’uulkan ayaa xusay in heshiiskan uu Taabanayo Takhasusaadka Xisaabta, Physics-ka, Biology iyo Chemistry-ga, isagoo intaas raaciyay inay rajaynayaan Sannadaha soo socda in kulliyado kale lagu soo kordhin doono.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horgeysay oo Jamacadda SIMAD ay ka furanayso Xarun Waxbarasho meel ka baxsan Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya