4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Wadaddo Muslimiinta Tanzania ka mid ah oo ka baxsaday Afduubayaal ku haystay Dalka Congo


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Imaamyo Mulismiinta Tanzania ka mid ah oo lagu sheegay tiradooda inay ahayd siddeed ayaa ka baxsaday Kooxo Afduub ahaan u Qabsaday bishii lasoo dhaafay ee August, kuwaasoo lagu hayay deegaan ku yaalla Bariga Congo, sida ay sheegeen saraakiil Tanzanian ah.

Wadaadadan oo ku jiray howlo ay dadka ku Wacdinayaan ayaa laga Qafaashay Bishii hore Gobolka Waqooyiga Tanzania ku yaalla ee Kivu, iyadoo Imaamyadan ay ka faa’iideysteen dagaal deegaanka lagu haystay ku dhexmaray koox lagu magacaabo FDLR oo u dagaalanta sidii ay Rwanda u qabsan lahaayeen iyo xoogag hubeysan uu u dhashay dalka Congo, sida uu AFP u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Kivu Julien Paluku.

Qaar ka mid ah wadaadada soo baxsaday ayaa sheegay in xubnaha FDLR qaar ka mid ah ay ku Wargeliyeen inay baxsadaan, iyagoo sheegay in markii uu dagaalka billowday ay u heleen fursad inay baxsadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Kivu, Julien Paluka ma uusan Sheegin Halka Waqtigan ku Sugan yihiin imaamyada soo baxday afduubayaasha. Isagoo xusay in siddeeda Imaam la afduubay 05-tii bishii hore ee August.

Safaaradda Tanzania ay ku leedahay Magaalada Kinshasa Ayaan Weli wax War ah kasoo saarin afduubka imaamyadan Tanzanian-ka ah iyo weliba Baxsigooda ay kasoo Fakadeen kooxihii afduubka ku haystay.

Dadka la afduubo ayaa laga qaataa lacago madaxfurasho ah, iyadoo Gobolkaas ay kusoo badanayaan Colaadaha ku saleysan Afduubyada Madax-furashada laga Qaato, kuwaasoo dhowr jeer ooh ore ka dhacay Gobolkaas.

Bariga dalka Congo ayaa waxaa ku sugan xoogag hubeysan oo dagaallo ku jira, kuwaasoo ay ka mid tahay Kooxda FDLR iyo Xoogag kale oo Dalka Congo kasoo jeeda, kuwaasoo mararka qaarkood ay dhex-maraan iska-horimaadyo.

Kooxda FDLR ayaa waxay saldhigyo ku leedahay dalka Congo, gaar ahaan meelo ku dhow xuduudaha uu dalkaas la wadaago wadamada Rwanda iyo Burundi, iyagoo dhismay markii dalka Rwanda ay ka dillaaceen colaadaha sokeeye 1994-kii.

Ugu dambeyn, Jabhadda ka horjeedda xukunka Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame ayaa ku eedeeyay inuu dhibaatooyin u geysto dadka waddankaas kasoo cararay ee Rwandese-ka ah ee ku nool Bariga Congo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya