4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Kooxo Hubeysan oo Shaqaale Turki ah Maanta ku Afduubay Xarunta Dalka Ciraaq ee Baqdaad


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Dabley ku labisnaa Dharka Milatariga ayaa 18-qof oo Shaqaale ahaa una dhashay dalka Turkish maanta ka afduubtay Magaalada Baqdaad ee Caasimadda Dalka Ciraaq.

Shaqaalahaan Turkida ah ayaa u Shaqeynayay shirkad dhisme oo lagu magacaabo Nurol Insaat oo garoon Kubadda Cagta ah ka dhisaysa Degmada Shiicada ay ku badan yihiin ee Habibya oo ku taalla Waqooyiga-bari ee Baghdad.

Kooxda Afduubka Geysatay ayaa Shaqaalaha Qafaashay aroornimadii saakay oo Arbaco ah, markii ay soo jibiyeen Albaabka Gurigooda, ayna Hubka ka dhigeen Rag ilaalo u ahaa.

Illaa hadda ma jiraan warar ku saabsan Aqoonsiga kooxda Afduubka geysatay iyo sababta ay u afduubeen shaqalaahan Turkida ah. Iyadoo horay Ciraaq loogu afduubay shaqaale Turki ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga, Numan Kurtulmus ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta Turkiga ay Arrinta xiriir kala sameynayaan Mas’uuliyiinta Ciraaq si arrintan wax looga qabto.

Ugu dambeyn, Sannadkii hore ee 2014-ka ayay Kooxda Daacish Gudaha Dalka Ciraaqa ku afduubeen 49 qof oo Turki ah, kuwaasoo iyagana ka shaqeynayay Qunsuliyadda Turkiga ee Magaalada Mosul, balse waxay sii daayaan sadex bilood kaddib.

Si kastaba ha ahaatee, Afduubkan ayaa imaanaya xilli dowladda Turkiga ay amar ku bixisay in la Weerarro Saldhigyada ay PKK iyo Daacish/ISIS ku leeyihiin Waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya