4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Ismaaciil Buubaa oo xilal kasoo Qabtay Somalia Maanta dib ugu laabtay Somaliland (SAWIRRO)


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo Jagooyin kala duwan kasoo qabtay dawladihii Soomaaliya ayaa maanta magaalada Hargeysa dib ugu soo noqday  ka dib markii u sheegay inuu doonayo inuu Somaliland wax la qabto, isla markaana uu aaminay madax banaanidda Somaliland.

Dadweyne aad u faro badan oo iskugu jira madax dhaqameed, siyaasiyiin, dhallinyaro iyo haween ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey madaarka caalamiga ah ee CIgaal International Airport ee magaaladda Hargeysa, isagoo ka soo kicitimay magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Ismaaciil Buubaa oo muddo dheer ugu dambaysay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in imika laga bilaabo uu wixii karti iyo awood u leeyahay ka caawin doono Somaliland,isla markaana la sahqaynd oono.

“Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa dhalinyarada, dumarka, odayaasha iyo dadweyne badan ee halkan iigu yimid, saxaafaddana si gaar ah baan ugu mahadnaqayaa. Waynu wada hadli doonaa in badan laakiinse, waxaan maanta jeclahay inaan hadalkayga ku soo gaabiyo inaan aad ugu faraxsanahay imaanshahayga”ayuu yidhi Hure Buubaa, waxaanu intaas ku daray “ waxyaabo faro badana waynu ka wada hadli doonaa. Waxaan rajaynaa in guul iyo wanaag u soo hoydo Somaliland, aniguna wixii kartidayda ah aan halkaasi ka gaysto,”

Buubaa ayaan wax badan ka hadal, inkastoo inta aanu iman warbaahinta uu ka sheegay inuu mabdi’ii hore ee uu qabay ee midnimada Somalia uu ka laabtay, imikana uu aaminsan yahay qadiyada Somaliland.

Sidoo kale, Mas'uuliyiinta Xukuumada Somaliland ayaan ka Dhex-muuqan Dadkii Maanta ku soo soo dhaweynayay, wallow xisbiyada mucaaradka ee WADANI & UCID ay si weyn uga dhex muuqdeen soo dhoweynta siyaasigan.

Ugu dambeyn, Siyaasiyiinta Aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn ayaan loo Ogolayn in ay Somaliland yimaadaan illaa ay cafis soo waydiistaan xukuumadda, haddii kale xabsiga loo taxaabo, waxaana loo malaynayaa in uu cafis waydiistay xukuumadda taasina ay keentay in si fiican loo soo dhoweeyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland