4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Mareykanka oo sheegay inuu difaacayo Wadanka South Korea hadii ay soo Weerarto North Korea


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Xogheyaha Gaashaandhigga Mareykanka, Ashton Carter ayaa ku Hanjabay inay difaaci doonaan Waddanka South Korea Haddii uu Weerar uga yimaado dalka ay dariska yihiin ee Waqooyiga Kuuriyada.

Carter oo su’aalo uga jawaabayay ciidammo Mareykan ah oo ku kala sugan daafaha dunida ayaa daboolka ka rogay in weerar kasta ay soo qaaddo Waqooyi Kuuriya uu Guuldarro ku dhammaan doono.

“Waddanka Waqooyiga Kuuriya waa in ay Fahmaan Mar walba in Gar-darro kasta oo ay Sameeyaan lagula Xisaabtamayo, mana jiri doonto Fursad ay kaga Awood badan karaan Ciidamadeenna iyo kuwa dalka Koonfurta Kukuriya,’’ ayuu yiri Ashton.

Sidoo kale, hadalka Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa imaanaya Xilli ay jirto Xiisadda u dhexeyso labada dal ay gaartay meel sare, iyadoo ay labada Waddan Ciidamadooda Xadka ku sugan ay ay heegan buuxa geliyeen.

“Haddii Dalka Waqooyiga Kuuriya ay isku dayaan inay weerarro kusoo qaadaan dalka aan saaxiibbada nahay ee dalka Koonfurta Kuuriya; taasi waxay keenaysaa inaynaan Gacmaha ka laaban doonin,” ayuu hadalkiisa ku daray Ashton Carter.

Dhanka kale, Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay inaysan wadin Daan-daansi ay ku doonayso inay ku weerarto dalka ay dariska yihiin, balse waxay ka digtay in faragelin lagu sameeyo xuduudaha dalkeeda uu la leeyahay South Korea.

Ugu dambeyntii, Dalka Koonfurta Kuuriya ayaa Waxaa ku Sugan Ciidammo Fara badan oo Mareykan ah, kuwaasoo uu sheegay Ashton Carter inay u diyaar-garoobeen inay difaacaan dalka ay saxiibbada dhowr yihiin ee Koonfurta Kuuriya, haddii lasoo Weeraro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya