4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Hargeysa oo Hilib-yaraani lasoo Daristay Kaddib Markii Hilibleydu ay Joojiyeen Gowricii Xoolaha


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Hilibleyda Magaalada Hargeysa ayaa Sheegay in labaddii casho ee u dambeeyey ay joojiyeen gabi ahaan hilibkii ay u qali jireen dadweynaha ku dhaqan magaaladda ka dib markii shirkadda Maan-deeq ee maamusha Kawaanka hilibka lagu qalo lacag ku kordhisay.

Ganacsatadan Hilibleyda ah ayaa Sheegay in illaa inta laga dhimayo lacagta loo Kordhiyay aanay qali doonin wax neefaf ah, isla markaana magaaladdu Hilib la’aan doonto.

“Waxaanu u joojinay inaanu hilibkii magaaladda loo qali jiray ka dib markii khidmaddii ay naga Qaadi jirtay Shirkadda Maamusha Kawaanka Xoolaha lagu Qallaa lagu Kordhisay oo neef walba libin laabtay intii ay naga qaadi jirtay ayaanu joojinay gabi ahaanba maadaama oo aanan awoodi Karin”ayey Warbaahinta u sheegtay Haweenay ka mid ah kuwo ka ganacsatada Hlibka xoolaha ee magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, ururka hlibleyaasha Hargeysa eeNAFAQO ayaa sheegay in xubno ka mid ah ururkoodda xabsiga loo taxaabay, isla markaana wasaaradda arrimaha gudaha ka codsaday in dadka ka xidhana loo sii daayo.

Hase yeeshee, shirkada maamusha kawaanka hilibka lagu qallo ee Maandeeq ayaa sheegay in lacag yar ku kordhiyeen maadaama oo ilaa 2005 kii wixii laga qaadi jiray illaa iimika laga qaado taasina ay is bxin wayday maadaama oo shiidaalkii iyo Adeeggii kawaanka ee Xagga nadaafadda isbixin waydya ay ku noqotay in neefka adhiga ah lagu kordhiyo Hal Doollar.

Sidoo kale, Maayar ku xigeenka Caasimadda ahna ku simaha maayarka Hargeysa C/casiis Maxamed Xaashi ayaa sheegay in labadda dhinac ee is haysta la xaajoon doonaan, isla markaana dadka xidh xidhana la sii deyn doonno.

Si kastaba ha ahaatee, magaaladda Hargeysa ayaa hilb yaraani lasoo foodsaartay, inkastoo Neefaf aan badnayn ay Shirkadda Maandeeq u Qashay Magaalada si aanay Hotooladdu u hilib waayin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland