4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Guddoomiyaha Shabeellada Hoose oo Qiray in Askar AMISOM ka Tirsan lagu Dilay Jannaale


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur [Siiddii] ayaa xaqiijiyay in Askar ka tirsan AMISOM lagu laayay Weerarkii ay Al-shabaab shalay ku qaadday saldhigga AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Saldhiga AMISOM ay ku leedahay deegaanka Jannaale ayaa waxaa weerartay Al-shabaab, iyadoo sheegtay inay ku dileen in ka badan 50-askari oo AMISOM ka tirsan; inkastoo AMISOM ay sheegtay inay khasaare kasoo gaartay Weerarkaas balse ma sheegin tirada ciidamada looga dilay iyo kuwa looga dhaawacay.

“Walaalaheen AMISOM askar ayaa looga dilay weerarkaas,” ayuu yiri Cabduqaadir Siiddii inkastoo uusan Sheegin Tirada Askarta AMISOM ee lagu Laayay Weerarkaas oo ahaa mid Qorsheysan.

Inkastoo xaaladda deegaanka Jannaale ay maanta daggan tahay ayna xeradii la Weeraray ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM ayaa haddana Shacabka Jannaale ku nool ay aad u hadal hayaan weerarkii shalay ka dhacay deegaankooda.

Dowladda Somalia iyo QM ayaa si adag u Cambaareeyay Weerarkaas, iyadoo uu sheegay RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke inaysan aqbali doonin inuu weerar noocaan oo kale ah ka dhaco dalka, ayna Al-shabaab ka saarayaan Dalka oo dhan.

Afhayeenka Al-shabaab ee Dhanka Howlgallada, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa isna sheegay in Weerarkaas ay ugu Aaar-gudayeen dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay ku laysay degmada Marka 31-kii bishii July ee Sannadkan.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa intaas ku daray in weerarkan ay fuliyeen guuto ay ugu magac-dareen Hoggaamiyahoodii Hore, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaannay Sh. C/raxmaan Abuu-Zubeyr, kaasoo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku bishii September ee 2014-kii ka geystay Gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa u muuqaal ekaa Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Xero ay AMISOM ku leedahay deegaanka Leego, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 60-askari oo ka socday dalka Burundi oo AMISOM ka tirsanaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya