4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somalia oo Maanta u Ambabaxay Dalka Talyaaniga


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga, halkaasoo uu uga qayb-geli doono bandhiga carwada caalamiga ah oo muddo lix bil ah ka socotay Magaalada Milano.

Bandhig Carweedkan ayaa Waxaa ku jira madal loogu magac daray madasha Maal-gashiga Soomaaliya, taasoo ku beegan maalinta berri ah, waxaana sidoo kale jiri doona maalin gaar ah oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, isla markaana lagu soo bandhigi doono waxyaabaha ay caanka ku tahay Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb-gali doonaan Ganacsato Soomaaliyeed.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa dhanka kale 04-ta bisha waxa uu magaalada Roma kula kulmi doonaa Madaxweynaha Talyaaniga oo ay ka wada hadli doonaan sidii dowladda Talyaaniga ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso DF Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Xamar kusii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Sharma'arke , xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Somalia, Madaxweynaha Maamuka Galmudug C/kariin Xaseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin kale.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Madaxweynaha uu maanta ugu dhoofay dalka Taliyaaniga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa maalin kaddib markii uu kasoo laabtay Safar uu ku Tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya