4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
Siyaasiyiin ku baaqay in Ardayda NEP Kenya loo diyaariyo Imtixaan u gaar xili Macalimiinta Gadoodsan yihiin

Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Xog’hayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka Kenya ee ODM Ababu Namwamba, ayaa ku baaqay in ardayda ka soo jeedo gobalka Waqooyi Bari Kenya loo diyaariyo imtixaano u gooni ah maadamaa mudo sagaal bilood ah aysan helin Waxbarasho wanaagsan iyo Macalimiin ku filan.

Ababu, ayaa sheegay hadalkaas xili maalintii labaad aanan la aadin dhamaan iskuulada Hoose, Dhexe iyo Sare ee dowladu ay maamusho, sidoo kalana Barayaashu ay diideen iney aadaan xarumahooda waxbarashada ka hor inta aanan loo fulinin dalabkooda ku aadan Mushaar kor-dhinta iyo meel marinta go’aankii ka soo baxay Maxkamada sare ee Kenya ee ku saabsanaa in Mushaarka Macalimiinta la kordhiyo.

Balse siyaasiyiinta ka soo jeedo gobalka waqooyi bari iyo saraakiisha waxbarashada u qaabilsan gobalkaas ayaa horay u sheegay in ardayda Waqooyi Bari Kenya ay la mid noqon karaan dhigooda ka soo jeedo gobalada kale ee Kenya, ayna la gali doonaan Imtixaanada.

Dhanka kale Dowlada Kenya ayaa wali diidan iney dhaqaalaha u kordhiso Macalimiinta, waxaana mar kale dib ugu noqday Maxkamada sare ee Kenya. Garyaqaano daafacaayo Guddiga adeega Macalimiinta u qaabilsan dowlada ee TSC “Teachers Service Commission” kuwaasoo ku adkeysanaayo in lacagaha ay dalbanayaan Barayaashu aysan ku jirin Miisaaniyada sanadka, dowladuna aynan heli karin.

Waalidiinta dhalay ardayda Iskuulada, ayaa walaac xoogan ka muujinyaan waxbarasho la’aanta la soo daristay ubadkooda ; waxeyna ugu baaqeen dowlada Kenya iney xal u heesho murankaan.

Gobalka Waqooyi Bari Kenya oo markii horaba aanan haysanin Macalimiin badan muda 9 bilood ah, laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore iyo bilihii ka dambeyay oo gobalkaas lagu dilay  Macalimiin iyo arday badan, ayaa waxey sababtay in Barayaasha aanan Soomaalida aheyn ay diidaan iney dib ugu noqdaan Gobalkaas, xili haatan Iskuulada dowlada ay barayaal ka yihiin ardaydii horay halkaas oga dhameeyay Dugsiga sare.

Baaqa Xog’hayaha guud oo Xisbiga ODM uu soo bandhigay, ayuu ku sheegay in ardayda fariisaneyso dhamaadka sanadkaan Imtixaanada Fasalada siddeedaad ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Fasalada Afaraad ee Dugsiyada sare loo hagaajiyo Imtixaano iyaga u gaar ah madaama aynan helin fursadihii ay heleen ardayda kale ee Kenya sagaalkii bilood ee aynu soo dhaafnay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya