4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2015
AFHAYEENKA AMISOM: Ma jiraan Ciidan Nool ah oo ay Al-shabaab Gacanta nooga naga dhigeen


Arbaco, September 02, 2015 (HOL) — Iyadoo shalay ay Al-shabaab Weerartay saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa la sheegay in AMISOM laga qabsaday ciidammo nool oo ka tirsan kuwii xeradaas ku sugnaa, balse waxaa beeniyay afhayeen u hadlay AMISOM oo lagu magacaabo, Paul Njuguna.

Afhayeenka ayaa xusay in wararkaas ay yihiin kuwo aan jirin oo askartooda oo nool aysan Al-shabaab u gacan-gelin; Laakiise ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo kasoo gaaray askartooda Weerarkaas.

“Ciidammo nolol oo Al-shabaab ay gacanta nooga dhigeen ma jiraan; ciidamada AMISOM way iska caabiyeen weerarka Al-shabaab, si buuxda ayaana gacanta ugu heynaa Xerada,” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM oo u la hadlayay VOA-da.

Sidoo kale, Al-shabaab dhankeeda xustay in Weerarkii shalay ku dileen in 50-Askari oo ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ka mid ahaa, ayna gacanta ku dhigeen qalab ciidan iyo shidaal, waxaana weerarkaas ay sheegeen inay ugu aar-gudayeen shacabkii lagu laayay degmada Marka.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen maydad badan oo ciidamada AMISOM ka mid ah oo dhulka daadsan dagaalka kaddib, Waxaana mar dambe deegaanka soo gaaray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo gurmad ah.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa jartay buundadii dhinaca deegaanka Jannaale oo la mari jiray, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu xumaa ee AMISOM lagu qaado labadii bilood ee u dambeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya