4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Dowladda Soomaaliya iyo QM oo Cambaareeyay Weerarkii Saldhigga AMISOM ee Jannaale


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska UNSOM ee Somalia ayaa si isku mid ah u Cambaareeyay Weerarkii Xoogag Al-shabaab ka Tirsan ay maanta ku Qaadeen Saldhigga AMISOM ay ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaas, Sheegay in Weerarkaas uu ahaa mid Wuxuushnimo ah oo aan loo Dul-qaadan doonin inuu mar kale ka dhaco dalka.

“Waxaan Cambaareynaynaa Weerarka kooxaha Nabad-diidka ahi ay ku qaadeen ciidamada nabad-illaalinta AMISOM, Waxaana tacsi u dirayaa Qoysaskii ay ka baxeen askartii naftood ku waayay  weerarka,” ayuu yiri RW Somalia oo sidoo kale tacsi u diray dowladda Uganda ee ay ka socdeen ciidamadii lagu dilay Weerarkaas.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa intaas ku daray. “Qorshaheennu waa in Somalia laga Sifeeyo haraadiga kooxaha caadeystay daadinta dhiiga ummadda, xukuumadana waxay muhiimadda koowaad siinaysaa sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Al-shabaab.”

Dhanka kale, Ergayga QM ee Arrimaha Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa isna si adag u cambaareeyay Weerarkaas, isagoo Xusay inuu ahaa Weerar Naxdin leh oo ay Natoodii ku waayeen ciidammo Somalia u joogay sidii ay nabad ugu soo celin lahaayeen.

“Waxaan tacsi u dirayaa Qoysaskii ay ka baxeen kuwii ay jeclaayeen ee maanta lagu dilay Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday Xerada AMISOM ee Jannaale; si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa Xukuumadda iyo Shacabka Ugand aoo ay ka baxeen askartaas,” ayuu yiri Kay.

Ergayga oo sii hadalayay ayaa intaas ku daray in askartii lagu dilay & kuwii lagu dhaawacay Weerarkaas uusan Dhiiggoodu ahayn mid la hilmaami doono; isagoo xusay inay u dhinteen difaacidda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay sii waddo gacan-siinta Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, si loo Xoojiyo Dagaallada lagula jiro Al-shabaab, dalkana nabad loogu soo celin lahaa,” ayuu Danjiruhu hadalkiisa kusoo xiray.

Ugu dambeyn, Weerarkii Al-shabaab ay Maanta ku Qaaday Xerada AMISOM ee ku taalla deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 19-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda, isla markaana lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, halka ciidammo kale oo noolna ay gacanta u galeen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya