4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2015
Cawad Axmed Cashara oo ka Hadlay Mooshinada ay Wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka


Talaado, September 01, 2015 (HOL) — Cawad Axmed Cashara oo soo noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii KMG ahaa ee Somalia ka mid ahaa ayaa Mooshinka Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Somaila 12-kii bishii hore ka hadlay, isagoo xusay in Mooshinkaas uu yahay mid Waxyeello lagu gaarsiinayo Sharafta Madaxweynaha Somalia.

Mudane Cawad ayaa xusay inuu soo jeedinayo in Mooshinka waddada saxda ah la mariyo, isagoo intaas ku daray in Xildhibaannada laftooda laga doonayo inay eedaha ay ku xuseen Mooshinkooda ay caddeymo buuxa u hayaan.

“Waxaan qabaa in Mooshinka waddadii saxda ahayd la mariyo, Madaxweynaha dalkana uu is-difaaco, waxaana Madaxweynaha fari lahaa inuu shaqooyinka uu hayo joojiyo illaa inta mooshinku socdo, eedeymaha loosoo jeediyayna looga helayo caddeymo dhab ah,” ayuu yiri Casharo.

Sidoo kale, siyaasigan wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Hantidii uu Qaranku lahaa loo isitmcaalo in xildhibaanno la siiyo si ay mooshinno ugu soo diyaariyaan; isagoo intaas ku daray in xaalad adag uu dalku lugaha la galay.

“Madaxweynuhu xilligan baarlamaanka ma kala diri karo, waayo qodobkaas mar hore ayaa la laalay, waxaase Madaxweyuhu uu xaq u yeelanayaa inuu kala diro Baarlamaanka markuu xilligiisu dhamaado, waxaanan ku talin lahaa in xaaladda siyaasadeed ee uu dalku cagaha la galay wax laga qabto,” ayuu Cawad mar kale yiri.

Dhanka kale, mar uu ka hadlay Mooshin ay xlidhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Shalay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo looga soo horjeedo midkii ay xildhibaanno ka gudbiyeen Madaxweynaha ayuu sheegay inuusan ahay sharci oo aan loo baahnayn.

“Waxaan maqlay in Mooshinka dambe uu abaabulkiisa Madaxweynuhu lahaa, waana mid sharci-darro ah, waxaana maqlaynay in Madaxweynaha DFS uu kala dirayo baarlamaanka, waxaase leeyahay xilliga madaxweyuhu xaq buuxa uma lahan inuu baarlamaanka kala diro,” ayuu hadalkiisa daba dhgay.

Mudane Casharo oo la weydiiyay saameynta ay Mooshinnadan iska soo horjeeda ku yeelan karaan Geeddi-socodka 2016-ka ee la doonayo inay Somalia doorasho uga dhacdo, ayaa sheegay inuusan arag wax saameyn ah oo uu ku yeelan karo.

Siyaasigan ayaa wuxuu xusay in Somalia aysan Xilligan u baahnayn in Fowdo laga Abuuro, maadaama ay jiraan dhibaartooyin badan oo ay ka mid yihiin inay Shacabka Soomaaliyeed Qaarkood haystaan Xaalado Bani’aadamnimo oo aad u daran.

Ugu dambeyn, su’aal ahayd wuxuu ku boorrinayo labada dhinac ayaa wuxuu ku jawaabay inuu ku boorrinayo Madaxweynaha Somalia inuu Qareenno Qabsado oo uu Maxkamadda weydiisto in Xildhibaannada Mooshinka ka keenay ay kusoo caddeeyaan eedeymaha ay u soo jeediyeen; haddii ay ku caddeyn waayaanna ay bulshada Soomaaliyeed arki doonaan inay xildhibaannadu qaldan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya